Madaxweynaha Jabuuti Oo Furay Dekeda Tojara Iyo Dawlada Itoobiya Oo Ka Dareen Celisay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jabuuti Oo Furay Dekeda Tojara Iyo Dawlada Itoobiya Oo Ka Dareen Celisay
June 16, 2017 - Written by Reporter:

Djabouti(Wajaalenews):-Madaxweynaha dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xadhiga ka jaray deked cusub oo laga dhisay magaalada Tojara ee dalkaasi.

Furitaanka dekedan cusub ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, raysal wasaarihiisa Cabdiqaadir Kaamir, wasiirka gaadiidka dawlada federaalka ah ee Itoobiya Axmed Shide, wasiiro, safiiro, xildhibaano, bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay  furitaanka dekedan Tojara ayaa sheegay in dawladiisu ay muhiimad gaar ah siinayso dhisitaanka dekedaha dalka waxaanu yidhi “Shaqadu way badan tahay, marsooyinkuna waa wax ilaahay hibo noo siiyey, macdan ma jirto, shiidaal ma jiro, beero ma jiraan, roob majiro balse waxa jira adeeg, adeeguna waa marsooyinka, dariiqyada, garoomada diyaaradaha iyo warshadaha, wadada horu markana hada ayaanu ku joogsanay waanan wadaynaa.”

Dhinaca kale wasiirka gaadiidka dalka Itoobiya Axmed Shide oo isaguna ka hadlay munaasibad lagu furayey dekeda Tojara ayaa ka waramay muhiimada ay dalkiisa u leedahay dekedaasi waxaanu yidhi “Muhiimad weyn ayey u leedahay dekedani shacabka dalka Itoobiya, waxaanad ogsoon tihiin shacabka itoobiya inuu  hada gaadhay boqol milyan, dhaqaaluhuna si xawliya ayuu u korayaa, waxaanan u baahanay adeega dekeda anaga oo ku tiirsan dekeda Jabuuti, markaa inay jabuuti horu mariso kartida adeega dekeda waa arin muhiim u ah itoobiya oo dhan, dhawaana waxa la furay dekeda DMP-da weyn ee Jabuuti taas oo sare u qaadaysa adeegyada dekedaha ee jabuuti u qabanayso gobolka oo dhan gaar ahaan  dalka Itoobiya, markaa dekedan Tojara iyo dekeda Jabuuti ee dhawaan la furay macno weyn ayey u leeyihin horu marka Itoobiya waxaanay bixin doonaan adeega badaha ee aanu u baahanahay oo aanu jabuuti ku tiirsanahay.”

 

COMMENTS
LINKS