Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Safar Ugu Baxo Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Oo Xogo Laga Helayo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Safar Ugu Baxo Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Oo Xogo Laga Helayo!!
June 7, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Warar xog ogaal ah oo sooif baxaya ayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” la filayo inuu safar ugu kicitimo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda safarkaasi ugu baxo dalkaasi Imaaraadka Carabta,waxaana la filayaa in uu inta aanay bisha Ramadan dhamaan hadana dib ugu soo noqdo dalka Somaliland.

siilaanyo3-qosol1

Safarka madaxwayne Siilaanyo ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa xoguhu sheegayaan in uu la taxaluqo marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda Imaaraadka Carabta islA markaana ay ka wada hadlayaan heshiiska Saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera,

sidoo kale xogo kale oo safarkan madaxwayne Siilaanyo kasoo baxaya ayaa waxay iyaguna sheegayaan in safarka madaxwayne Siilaanyo ee dalka Imaaraadku uu yahay mid gaar ah oo aan la taxaluqin arrimo shaqo.

Tuhuna ksoo baxaya socdaalka madaxwayne siilaanyo dhanka kale la xidhiidhiyay khilaafka culus oo ka dhex istaadhamy wadamada khaliijkab iyo qadar kaasi emaaraatku bilaabay sidii ay usii adakaysan lahayeen xulufadooda.

 

Lama xaqiijin maalinka rasmiga ah ee uu baxayo madaxwayne Siilaanyo laakiin waxa xoguhu tilmaameen in ku guda jirka Bishan Ramadan waliba maalmahan soo socda uu baxayo isl markaana uu dib usoo noqonayo inta Bisha Ramadan socoto.

          Xigasho ramaasnews

 

COMMENTS
LINKS