Maamul Goboleedka Puntland Oo 7 Dhalinyaro ah ku fulisay Dil Toogasho ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamul Goboleedka Puntland Oo 7 Dhalinyaro ah ku fulisay Dil Toogasho ah
June 30, 2017 - Written by Editor:

GAROOWE  (W,N) – Maxkamada sare ee ciidamada maamul gobolleedka Puntland ayaa maanta dil toogasho ku fulisay 7 dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Dhalinyarradan ayaa ku eedeysnaa in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar la sheegay in lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo.

maxkamada puthland

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee shanta gobol ee Puntland Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay raggan in horey xukun dil ah loogu riday, balse maanta lagu fuliyay xukunkooda.

Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyaha qaar ka tirsan raggan maanta la toogtay in ay qorsheynayeen qaraxyo ay ka fuliyaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Puntland sidan oo kale toogasho ku fuliso dhalinyaro ku eedeysnaa danbiyo kala duwan.

COMMENTS
LINKS