|
|||||
WAJAALE NEWS
Kumanaan Rayid Ah Oo Ku Xaniban Magaalada Mosul
June 25, 2017 - Written by Reporter:Mosul,(Wajaalenews)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga yaabo in ilaa boqol iyo konton kun oo rayid ah ay ku xayiran yihiin goobtii ugu dambeysay ee magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ee ay gacanta ku hayeen kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka. Xidhiidhiyaha arrimaha bini`aadannimada QM ee dalka Ciraaq, Lisa Grande, ayaa sheegtay inay kooxdaasi xagjirka ah ay dhibaateyn u geysan jireen dadka rayidka ah. Waxay sheegtay inay jiri karaan kumannaan qof oo kooxda dowladda Islaamiga ah ay gabbaad uga dhigteen magaalada qaddiimiga ah ee Mosul. Boqollaal qof oo ay carruur ku jiraan ayay sheegtay in la toogtay. Ciidammada Ciraaq ayaa goobo ay ka baxaan u furay dadka rayidka ah iyagoo u dagaallamaya inay gebi ahaanba meesha ka saaraan hadhaaga kooxda, xilli dadkuna ay isku diyaarinayeen Ciidda. Qof tabarruce ah oo ku sugan xarun caafimaad oo ku taalla bannaanka magaalada qaddiimiga ah ee Mosul, laguna magacaabo Axmed Diran, ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladdu ku sii xumaaneysay dadka rayidka ah.
Qaxootigan ka soo cararary qalalaasaha ayaa sawir ka bixinayay xaaladaha naxdinta leh ee ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee carruurtu ay ku jiraan ee ku u nool qaybaha ay haystaan kooxda Dowladda Islaamiga ah ee magaaladaasi. Related posts:Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiis Ay Wada Galeen Jaamacada Burco, "Dekeda Berbera:Danaha Is Diidan ee Ethiopia Iyo Masar Somaliland Wax Ma Uga Meel Yaalaan"Muj:Cali G... Daawo:Nuxurka Khudbadii Ugu Horaysay ee Isaga Oo Musharax ah C/raxman Ciro Ka Jeediyo Madashii Maant... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|