Kumanaan Itoobiyaan Ah Oo Ku Xanniban Gudaha Sacuudiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumanaan Itoobiyaan Ah Oo Ku Xanniban Gudaha Sacuudiga
June 29, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Kumanaan muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa ku xanniban gudaha dalka Sacuudiga ka dib markii uu dhammaaday wakhtigii kama dambeysta ee ay boqortooyadu u qabatay inay ku baxaan dadka bilaa sharciga ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

Dowladda Sacuudiga ayaa cafis 90 maalmood ah u fidisay muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku joogay dalkaasi ee doonaya inay dalalkooda dib ugu laabtaan, balse dadkaasi Itoobiyaanka ayuu wakhtigii cafiska ka dhammaaday iyagoon dalka ka bixin.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho ayaa BBC-da u sheegay in dowladda Itoobiya ay boqortooyada Sacuudiga ka dalbatay inay kordhiso wakhtiga cafiska.

Wuxuu sheegay in ilaa iyo 45 kun oo qof oo u dhalatay Itoobiya ay ilaa iyo hadda laabteen, balse ay jiraan kumanaan kale oo wali ku xayiran gudaha Sacuuidga.

Itoobiyaanka ayaa ka shaqeeya guryaha iyo goobaha dhismayaasha Sacuudiga.

Mr Negeri ayaa sheegay inay rajeynayaan in dowladda Sacuudigu ay jawaab fiican ka bixin doonto dalabkooda ah kordhinta wakhtiga cafiska.

 

_96721757_ethiopiareturnees

Bishii March 2017, wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa shaacisay barnaamij cafis ah oo ay uga dalbatay dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalkeeda inay isaga baxaan iyaga oo aan wax dambi ah loo raacan doonin.

Cafis noocan oo kale ah ayay dowladda Sacuuidga ku dhawaaqday sanaddii 2013 markaas oo muhaajiriintii u hoggaansami wayday ay la kulmeen ciqaab isugu jirto ganaax, xabsi iyo tarxiil.

Dhowr qof oo Itoobiyaan ayaa markaasi lagu dilay isku dhac dhexmaray iyaga iyo booliska mar uu socday howlgal lagu soo uruurinayay dadka muhaajiriinta ee sida sharci darrada ah ku joogay boqortooyada Sacuudiga.

COMMENTS
LINKS