Kooxda Al-shabaab Oo Weerartay Bangi Ku Yaala Magaalada Mandheera Ee Dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Al-shabaab Oo Weerartay Bangi Ku Yaala Magaalada Mandheera Ee Dalka Kenya
June 23, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa,(Wajaalenews) – Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday Bangi ku yaalla magaalada Mandheera ee Waqooyi-Bari Kenya, iyaga oo halkaa ku dilay Labo ruux oo rayid ah iyo qof kale oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada amniga.

Sidoo kale, Miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa ku qaraxday waddada isku xidha Mandheera iyo Ceel-waaq, balse waxaa lagu soo warramayaa in aan qaraxaasi wax khasaare ah ay ka dhalan.

Magaalada Mandheera waxaa hore uga dhacay weerarro xidhiidh ah oo ay ku dhinteen dad rayid ah iyo waliba ciidamada amniga Kenya, waxaana mas’uulyadda weeraradaasi sheegtay al-Shabaab.

2017623636338004438807788MANDERA111

Ururka Al-Shabaab ayaa Toddobaadyadii tagey aad u kordhiyay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaannada ku dhaw xuduudda Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof.

COMMENTS
LINKS