Komishanka Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Mar Labaad ka Muquurtay In Ay Bulshada Gabiley Ku Wacyi Galiyaan Qaadashada Kaadhka Codbixinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Mar Labaad ka Muquurtay In Ay Bulshada Gabiley Ku Wacyi Galiyaan Qaadashada Kaadhka Codbixinta
June 18, 2017 - Written by Editor:

Gabiley(WN) iyadoo mudo Todobad ah Ay Inga Xigto wakhtiga La Filayo In Gobolka Maroodi jeex ay Ka Bilabanto Qaadashada warqada Codbixiyaha Ee Doorashooyinka Madaxtoyada Somaliland

Waxana Kamid ah Gobolada La Filayo Inay Mar Ka wada Bilaabanto Maroodi Jeex Iyo Gabiley

Gobolada Uu Xisbiga Kulmiye Ku Faano Oo Ay Kamid Yihiin Gabiley Iyo Deegaanada Hoos Yimaada

Ayaa Gabi Ahaanba Waxan Jirin Ilaa Maanta Wax Wacyi Galin ah Oo Ay Gabi Ahaanba Ka Sameeyeen Komishanku Sido kale Maamulada Iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka ayaa Gabi Ahaanba Ka Muquurtay Inay Wax Wacyigalina Ka Sameeyaan Gabiley Iyo Deegaanada Ku Teedsan.

komishanka iyo gabiley

Waxa Xusid Mudan In Xisbiga Kulmiye Oo Sheegan Jiray Cadka Bulshadani Ku Dhaqan Gobolka Cagaaran Ee Gabiley Iyo Deegaanadiisa Hoos Yimaada Uu  Isna Ka Muquurtay In Uu Dadwaynaha Deegaanadani Ku Wacyi Galiyo Sidii ay U Qaadan Lahaayen Warqada Codbixinta

Waxana Loo Aanaynayaa Sababta Uu Xisbiga Kulmiye Uga Muquurtay Inuu Bulshada Ku Wacyi Galinwaayo Inay Qaatan Warqada Codbixinta ayaa ah

Kadib Markii Ay Masuuliyiintii xisbiga Kulmiye Uu Usoo Magacaabay Ay Gabi Ahaanba Ay Noqdeen Fadhiid islamarkaasina ay Garan waayen Hawlihii Losoo Igmaday

Taasi Oo Sababtay In Markale Xisbiga Kulmiye Losoo Magacaabo Xubno Kamid ah Golaha Deegaanka Gabiley Oo Qaarkod ay Yihiin Xildhibaanadii Kasoo Baxay Xisbiyada Mucaaridka ah Ee Wadani Iyo Ucid

Walow Ay Joogaan Xubnihii Uu Sida Toos ka ah Uu U Magacaabay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Isku Soo Wada Duubo Hadii Aan Sida Ugu Dhakhsaha Badan Looga Hawl Galin Sidii Loo Wacyigalin lahaa Bulshada Gobolkani Gabiley Inay Qaataan Warqada Codbixiyaha Taasi Oo Hadii ay Sidaasi Kusii Socoto Ay Guul Daro U Horseedi Doonto Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbul Xaakimka Talada Haya Ee Kulmiye Muuse Biixi,

 

 

Wariyaha Xortaha  Gabiley

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS