|
|||||
WAJAALE NEWS
Habka gudbinta cudurka Daacuunka (Transmission) La soco qaybaha kale
June 7, 2017 - Written by Reporter:Cudurka Daacuunku waa cudur si dhakhso ah u fida oo loo kala qaadi karo. Kala qaadistiisu waxay ku xidhan tahay, backteeriyada Daacuunka sababta (Vibrio cholerae) ee soo raacda saxarada iyo mataga qofka xanuunsanaya ama jirran ka dibna ay qaadaan cayayaanka sida duqsiga oo gaadhsiiya biyaha, cuntada aan dabboolayn iyo meelaha biyaha laga cabbo. Waxa kale oo sii fidiya biyaha roobka oo saxarada markay qaadaan ku shuba ceelasha iyo meelaha biyaha laga cabbo. Sidoo kale waxa saxarada ama hunqaacada qofka buka marka ay qallasho qaada dabaysha waxayna ku dartaa cuntada aan daboolka lahayn iyo meelaha biyaha leh. Waxa kale oo cudurka Daacuunka fidiya ama uu ku fidaa marka ay dadku is dulbaxaan, sida goobaha gargaarka iyo xeryaha qaxootiga ee aan lahayn musqulaha hagaagsan iyo biyaha nadiifta ah. Waxa kale oo iyana si toos ah u gudbiya ama lagu kala qaadi karaa faraha wasakhda leh sida marka dadku saxaroodaan oo aanay si wanaagsan u faraxalan ama isaga maydhin/dhiqin faraha gacmaha. Waxyaabaha kale ee laga qaado, Daacuunka waxa ka mid ah cuntada ceedhiin ama aan sida fiican u bislaan, cuntada biyaha badda (seafood) laga helo sida kalluunka iwm, khudradda iyo guud ahaan nadaafad xumada cuntada. Waxa laga yaabaa in mararka qaarkood khudradda iyo midhaha kale ee la cuno ay biyo wasakh leh ah ku sadhaysmeen oo bakteeriyadu ku jirto, waana muhiim in la iska maydho intaan la isticmaalin. Sidaas darteed, Daacuunka waxa gudbiya biyaha aan nadiifta ahayn ee ay wasakheeyeen saxarada iyo mataga dadka buka iyo kuwa ladnaaday ee kabaxa ah welina saxaradooda ay ku jirto bakteeriyadu (sidayaal). Waxa kale oo ka qayb qaata fidista Daacuunka cuntooyinka sadhaysan gaar ahaan kuwa lagu gado ama iibiyo waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka hareerahooda. Waxyaabaha ugu waaweyn ee suurtogeliya gudbinta Daacuunka waxaa ka mid ah: Haddii degaanka nadaafaddiisu aad u xun tahay waxa suurtogal ah in Daacuunku si fudud loo qaadi karo una fidi karo (Poor sanitation). Saxadoon.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|