Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Oo Gacantiisa Ku Cadeeyay In Wasiir Maxamuud Xaashi Kursiga U Dhiibtay Iyo Fadeexada Warqad Uu Ku Socod siiyay, Wasiirka Madaxtooyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Oo Gacantiisa Ku Cadeeyay In Wasiir Maxamuud Xaashi Kursiga U Dhiibtay Iyo Fadeexada Warqad Uu Ku Socod siiyay, Wasiirka Madaxtooyada.
June 6, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (Wajaalenews) Gudoomiyaha Haayada shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geele ayaa wareegto uu soo saaray horaantii todobaadkan waxan uu dhamaan shaqaalaha waynaha Somalialand Amar ku siiyay in jadwalka shaqadu isbadali doono isaga oo jadwalka shaqadau badalay 8:00 subaxnimo Ilaa 1:00 duhurnimo.

Hadaba warqada wareegtada ah ee uu soosaaray Sharmaake Geele ayaa fajiciso iyo amakaag ku noqotay  shaqaale waynaha Iyo guud ahaan shacabka Somaliland iyada oo qaab qoraalka warqadan ay ka muuqatay jaahilnimo oo aanay ka muuqan nidaamka shaqo gudasho ee xafiisyada.

SIR CULUS

Waxaanay fadeexada ugu wayni ahayd in Gudoomiye Sharmaake Geele uu warqadan ogaysiinteeda ku qoray wasiirka wasaarada madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan meelnaba ka soo galin wareegtada ka soo baxday xafiiska haayada shaqaalaha taas oo ogaysiinta hore uu lahaa madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo mustawe ahaan leh sharfida Wareegtadan maadaama uu yahay xubinta dalka ugu saraysa, sidoo kalana ogaysiinta labaad uu lahaa Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada Somaliland,balse nasiib daro jaahilnimada ka muuqata Gudoomiyaha haayada Shaqaalaha uu mustawaha koowaad siiyay Wasiir Maxxamuud Xaashi oo ah masuulka lagu xanto in uu meesha u dhiibtay gudoomiyaha haayada shaqaalaha si uu afka ugu dhigto lacag dhan 10,000$ dolar oo bangiga aduunku ugu talo galay tayaynta shaqaalaha Somalialnd balse nasiib daro wasiir Maxamuud xaashi meesha u keensaday in sharmaake Geele oo ah xubin dhalinyaro ah waayo aragnimo badana u lahayn xafiisyada Dawlada,magacaabistiisana uu lahaa uu ka dhigto Malqaacadii musuqmaasuqa uu ku cunayay Wasiir maxamuud Xaashi.

Halkan kaga boggo wareegtadan oo soo baxday todobaadkii hore:

FAHAN LA,AANTA SHAQADA EE GUDOOMIYAHA SHAQAALAHA

COMMENTS
LINKS