Faah-faahin Qarax Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho + SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah-faahin Qarax Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho + SAWIRO
June 20, 2017 - Written by Reporter:

 

Muqdisho (Wajaalenews)- Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaadhi nooca CAASIGA ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa kaa oo siweyn loogu ekeysiiyay gadiidka khudaarta iyo caanaha keena kuwaa oo inta badan lagu canshuuro xarunta degmada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xoogan khasaare ballaadhan u geystay xarunta iyo guud ahaanba dhismayaashii ka agdhawaa oo bur bur weyn uu soo gaadhay.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay gaadhta 15 ruux, halka gadiidka gurmadka deg deg ah halkaa ka qaadeen dhaawacyada dad u badnaa rayid kuwaa oo la kala geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay qaraxa uu ka mid yahay guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xassan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xarunta la weeraray ayaa siweyn ugu dhaw Suuqa degmada Wadajir oo ka mid ah Suuqyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Waxaa halka uu qaraxu ka dhacay ku sugan ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo xidhay dhamaanba jidadka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana jira meydad wali laga soo saarayo dhismayaasha bur buray hoostooda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir, waxaana qaraxan uu imanaya xili isla todobaadkan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen makh2017620636335399302936306Qarax-2-1 (1) 2017620636335433888549889jir_5 2017620636335433622876414jir_4 2017620636335400067331388Qarax-3 2017620636335399647357974Qarax-4 2017620636335399302936306Qarax-2-1aayada Pizza House ee degmada Hodan oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

COMMENTS
LINKS