Dowladda Britian Oo £60 million Ugu Deeqday Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Britian Oo £60 million Ugu Deeqday Soomaaliya
June 19, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho(Wajaalenews) – Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday bixinta £60 million oo wax looga qabanayo xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Xog’hayaha hormarinta caalamiga ah ee ee Britain Mr Priti Patel ayaa kaga dhawaaqday deeqday lacageed magaalada Muqdisho kaddib kulan ay la yeelatay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Sidoo kale Mr Patel kulan ay ula yeelatay magaalada Muqdisho saraakiisha hay’addaha samafalka ee

2017619636334546963507472201761963633443337124991735327604966_c91fed54ff_o

ka howlgala Soomaaliya ayay ka sheegtay in UK ka go’an tahay wax ka qabashada xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Mr Priti Patel ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in dhaqaalaha xoogan oo ay ku deeqday Britain loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, iyada oo laga foojignaanayo musuq-maasuq.

COMMENTS
LINKS