Doorashu la gabawday waayaha! W/Q: Samiya Muuse | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashu la gabawday waayaha! W/Q: Samiya Muuse
June 5, 2017 - Written by Reporter:

Doorashu la gabawday waayaha!

Waxaan maqli jiray odayga habarta wax loo saar….. doorashu Guurtida wax loo saar….. wax kasta maanta Somaliland ka dhacaa kheer iyo sharba waxa lala maragsanaya waa doorashada….. !!!!! Cirrada iyo jacaylkuba way kulmaanee maxaa doorasha iyo xanuun isu diiday ?! Demoqradiyad ayaa astaan o ah Somaliland , hadafkeeduna waa aqoonsi caalami ah markaa hasheena maandeeq caanaha halaga maalo November 2017 !
Abaartaa, xanuunka iyo aafooyinka aduunkuba waa qadarka ilaahay , cidna danbi kuma lahaa…! Waa imtixaan ilaahay ku qiyaasayo adkaysiga aadamaha , markaa waxa xaraam ah in laysku eedeeyo ama lagu aflagaadeeyo dad ama dawlad… ! Waxa kaliya ee la yidhaahda ( qadara Allahu wama shaa’a facal ).
Waxaa jirta maahmaah carabiya u tidhaahda : ( Masaayiba qawmin cinda qawmin fawaa ido ) taas ay micnaheedu tahay markay masiibo ku dhacdo dadka waxay u tahay faa ido dad kale , waana arinka maanta nahaysta u meel walba lala taaganyahay wararka been abuurka iyo buunbuuninta ah ee lagu kicinayo shacabka masaakiinta ah….! Xanuunka shubanku waa xanuun dilaaca xiliga roobabka waana wakhti cayiman waxaana ku naf waaya badana caruurta iyo dadka tamarta yar leh laakin dawadiiso waa nafaqo , antibiotik iyo nadaafada oo laga taxadiro….!
Somaliland waa dal demoqradiyad ku dhisan caalamkana laga yaaqaano laakin wali ku jirta jidkii ictiraafka iyo aqoonsiga caalamiga ah…. demoqradiyadu macnaheedu waa doorashu ee maaha digasho ! Mana fiicna markasta ay marxaladi la soo darastu dalka in laysku xidho doorashada iyo marxalada markaas taagan waayo doorashu waa demoqradiyad iyo jidki aqoonsiga ee saxda ah.
Waxaan xasuusta doorashadi ogu horeesay ee aan sugayna inay dhacdo 2015 aanay wali dhicin oo la gabawday waayaha laguna gardaadshay meel madhan, waxaan jecelaan lahaa aniga o ku hadlaya afga aqoonyahanka, muwadinka, haweenka iyo dhamaan qurbajoogta Somaliland inay doorashadu ku qabsoontu xiligeeda o aanay dib oga dhicin xiligii la iclaamiyay waayo aduunka dhan iyo dhamaan saaxibada Somaliland ee qurbaha nala jooga ayaa ku hanweyn inay ama ka qayb qaatan ama ay arkaan Somaliland oo doorashadeedi ku dhacaday November 2017…..!

Qabyo weeye duniduye
Qofna uma ahaatee
Qumanaanta wacaniyo
Quraxdii timaada
Qisa iyo dharaar leh
Mar hadaan qaloociyo
Qaraarkii soo maray
Qosolkiina ii hadhay

 

Qalinkii: Samia Muse

COMMENTS
LINKS