Djibouti Iyo Eritrea Oo Ay Xiisad Ka Dhex Taagan Tahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Djibouti Iyo Eritrea Oo Ay Xiisad Ka Dhex Taagan Tahay
June 16, 2017 - Written by Reporter:

Djabouti(Wajaalenews)-Wasiirka arimaha dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku eedeeyey dalka ay deriska yihiin ee Eritrea in ay ciidamo geysay xadka ay ku muransanyihiin labada dal.

Ma jirto cid madax bannaan oo arintaa caddaysay iyo jawaab ka soo baxday Eritrea toona.

Wasiirku wuxu sheegay in Djibouti doonayso in khilaafka lagu dhameeyo si nabad ah laakiin ay diyaar u tahay dagaal hadii laga fursan waayo.

Hadalkan wasiirku wuxu soo baxay ka dib markii ciidamadii nabad ilaalinta Qatar ee joogay xadka labada dal u dhexeeyaa ay ka baxeen halkaa, sababtuna ay ahayd markii labadaa dal ee ku yaal Afrikada Bari ay labaduba la safteen Sacuudi Carabiya oo ay Qatar isa seegeen.

Djibouti iyo Eritrea ayaa ku dagaalamay soohdinta u dhaxaysa sannadkii 2008-dii, hase ahaatee waxay markii dambe aqbaleen in Qatar dhexdhexaadiso oo ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirto.

Djibouti waxay xulafo la tahay reer galbeedka oo waxa dalkeeda saldhigyo ciidamo ku leh Faransiiska iyo Maraykanka, sidoo kalena waxa dekeddeeda wax kala soo daga oo ka dhoofsada dalka ay Eritrea colka daahii go’ay yihiin ee Ethiopia oo ay Maraykankana gacansaar leeyihiin.

Eritrea ayaan xidhiidh fiican la lahayn reer galbeedka, waxaana hore loogu eedeeyey in ay taageerto kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah. Haseyeeshe eedahaa Eritrea way beenisaa.

COMMENTS
LINKS