|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Sucuudiga Oo Tarxiilay Geela Qatar
June 21, 2017 - Written by Reporter:Sacuudi Carabiya ayaa amartay in dalkeeda laga saaro dhammaan geela iyo idaha laga leeyahay dalka Qadar, iyadoo uu sii xoogaysanayo muranka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka Khaliijka. Saraakiisha Qadar waxay sheegeen in ay haddaba xadka ka soo tallaabeen geel lagu qiyaasay 15,000 iyo 10,000 oo ido ah. Dad badan oo reer Qadar ah ayaa xoolahooda ku dhaqda Saxuudiga, sababtoo ah dalkaasi yar ma haysto dhul daaq oo ku filan. Horraantii bishan, Sacuudi Carabiya iyo dalal kale oo Carbeed ayaa xidhiidhkii dublamaasi u jaray Qadar iyaga oo sidoo kalana ka xidhay xadkooda, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto xagjirka. Dawladda Qadar way diiday eedaymahaas. Khuburo dhanka xoolaha ku takhasusta , darawallo iyo shaqsiyaaad kale ayaa haddaba ku sugan aagaas si ay gargaar ugu fidiyaan xoolo dhaqatada, sida ay wasaaraddu shegtay. Jassim Qattan ayaa website-ka al-Raya u sheegay Isniintii in 250,000 neef ay ku soo noqdeen dalka Qadar. Hadda ka hor Sacuudigu daaq uma diidin xoolaha Qadar. Xoolo dhaqatada Qadar ayaa aad uga cadhooday tallaabadan u dambaysay ee uu Sacuudigu qaaday. “Ma rabno inaan qayb ka noqono arimahaas siyaasada. Ma Faraxsanin,” Ayuu intaas kusii daray.
Related posts:Madaxwayne Biixi Oo Isku Keenay Cabdiraxmaan Soltelco Oo Ka Tanaasulay Hankiisii Maayarnimo Iyo Maay... Somaliland:Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga Ah Oo Ku Dhaw Inuu Laba-laabmo Iyo War La’aanta Xuku... DAAWO; “Guddigan Cusub Waxa uu Madaxweynuhu u Xil Saaray ka soo Kabashada Abaarta, Waxay Ururin doon... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|