Dawlada Sucuudiga Oo Tarxiilay Geela Qatar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Sucuudiga Oo Tarxiilay Geela Qatar
June 21, 2017 - Written by Reporter:

Sacuudi Carabiya ayaa amartay in dalkeeda laga saaro dhammaan geela iyo idaha laga leeyahay dalka Qadar, iyadoo uu sii xoogaysanayo muranka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka Khaliijka.

Saraakiisha Qadar waxay sheegeen in ay haddaba xadka ka soo tallaabeen geel lagu qiyaasay 15,000 iyo 10,000 oo ido ah.
Xerooyin ku meelgaadh ah oo leh haamo biyo ah iyo cunto ayaa looga sameeyay gudaha Qadar.

Dad badan oo reer Qadar ah ayaa xoolahooda ku dhaqda Saxuudiga, sababtoo ah dalkaasi yar ma haysto dhul daaq oo ku filan.

Horraantii bishan, Sacuudi Carabiya iyo dalal kale oo Carbeed ayaa xidhiidhkii dublamaasi u jaray Qadar iyaga oo sidoo kalana ka xidhay xadkooda, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto xagjirka.

Dawladda Qadar way diiday eedaymahaas.
Wasaaradda Dawladaha hoose iyo Deegaanka ee Qadar ayaa sheegtay in xerooyinkaas ku meelgaaadhka ah la sii adeegsan doono tan iyo inta goobo ku habeen looga diyaarinayo xoolaha.

Khuburo dhanka xoolaha ku takhasusta , darawallo iyo shaqsiyaaad kale ayaa haddaba ku sugan aagaas si ay gargaar ugu fidiyaan xoolo dhaqatada, sida ay wasaaraddu shegtay.

Jassim Qattan ayaa website-ka al-Raya u sheegay Isniintii in 250,000 neef ay ku soo noqdeen dalka Qadar.
Muuqaal baraha bulshada la soo dhigayayay maalmihii u dambeeyay ayaa muujinaya geel badan oo ka sii talaabaya xadka Sacuudi Carabiya.

Hadda ka hor Sacuudigu daaq uma diidin xoolaha Qadar.

Xoolo dhaqatada Qadar ayaa aad uga cadhooday tallaabadan u dambaysay ee uu Sacuudigu qaaday.
“Waxaan rabnaa in aan wakhtignaga qaadano oo aan Sacuudiga ku laabano si aan REerahayga iyo xoolahayaga u dhaqano”Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sidaas kasoo xigtay Cali maagareh oo 40 jir ah.

“Ma rabno inaan qayb ka noqono arimahaas siyaasada. Ma Faraxsanin,” Ayuu intaas kusii daray.

 

 

_96579820_cbe0ddad-edb0-4f59-8f33-e3e7d9c1c5ed

COMMENTS
LINKS