|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliland Oo Ku Baaqday In Dib Loo Furo Wadahadalkii Somalia Iyo Somaliland
June 21, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(Wajaalenews)-Dawlada Somaliland ayaa ugu baaqday dawlada dhawaan la dortay ee Somaliya in dib loo furo wada hadaladii u dhaxeeyey labada dhinac ee Somaliland iyo Somaliya si looga wada-xaajoodo arrimaha nabadgaliyada,,Iskaashiga,dhaqaalaha iyo horumarka,sidaasna waxa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,sida lagu baahiyey mareegta African Business. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlayey shir lagu qabtay London oo lagu xusayey sanad guuradii 26-Aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland.waxa uu sheegay doorashada madaxwaynaha cusub ee Somaliya dooratay bishii Febarwari ee lasoo dhaafay uu keeeni doono in guul laga gaadho wada hadalka Somaliland iyo Somaliya. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo wali hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Aakhirka waxaanu u aragnaa in Somaliland iyo Somaliya ay noqon doonaan laba dal oo kala madax-banaanoo iska kaashada dhinacyo badan ,waxa jira mawduucyo badan oo aanu ka wada hadli karno annaga iyo Somaliya oo ay kamid yihiin dhinacyada Nabadgaliyada hawada,arrimaha la xidhiidha iskaashiga dhaqaalaha,horumarinta iyo Caafimaadka,waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqnay inay Somaliya ku cadaadiyaan in wada hadaladu midho dhalaan”. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|