Dawlada Iran Oo Gargaar cunno Ah U Soo Dirtay Qatar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Iran Oo Gargaar cunno Ah U Soo Dirtay Qatar
June 11, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(Wajaalenews)-Iran ayaa dalka Qatar u dirtay diyaarado sida cunno, ka dib markii xiisadda ka taagan Khaliijka ay saamaysay wax soo dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar.

Ilaa iyo hadda lama sheegin in cunnadaasi ay tahay gargaar, ama in ay iibsatay Qatar.

 

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo gobolkaasi ku yaalla ayaa jaray xidhiidhka dhulka, badda iyo hawada ee ay la leeyihiin Qatar, waxaana taasi ka dhalatay cabsi ah in dalkaasi ay soo food saarto cunno yari.

Dalalka deriska la ah Qatar ayaa xannibaadaasi saaray, iyagoo ku eedaynaya in ay taageerto ururada argagixasada ah, ayna xidhiidh dhaw la leedahay Iran.

Xukuumadda Dooxa ayaa beenisay eedeymahaasi loo jeediyay.

COMMENTS
LINKS