Dalka Afrikada Dhexe Oo Marlabaad Dagaal Ka Qarxay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Afrikada Dhexe Oo Marlabaad Dagaal Ka Qarxay
June 21, 2017 - Written by Reporter:

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikaada dhaxe maalin uun ka dib markii heshiis xabad joojin ah ay kala saxeexdeen dowlada iyo kooxaha mucaaradka.

Maalintii Salaasada ayay ahayd markii xabad joojin lagu saxeexay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ee u daxeeysay xukuumada Bartamaha Jamhuuriyadda Afrika iyo kooxaha falaagada ah ee dalkaasi.

Heshiiskan waxaa gadhwadeen ka noqday kaniisada katooliga
Xabad joojinta oo si dhakhsa ah u dhaqangeleysay ayaa waxay dhabaha u xaadhaysaa in mucaaradka laga qeybgeliyo geedi-socodka nabadda iyo siyaasadda, si ay iyaguna rabshadaha u soo afjaraan.

 

_96572251_56657fa3-e188-42bd-be34-24eebf87c325

Heshiiskan waxaa gadhwadeen ka noqday kaniisada katooliga waxaana looga gollahaa in lagu soo afjaro mudo dhowr sano ah oo ay dalkaasi ka socdeen rabshado ku salaysan Diimaha.

COMMENTS
LINKS