|
|||||
WAJAALE NEWS
Dalal Carbeed Oo Shuruudo Badan Ku Xidhay La Heshiinta Qatar
June 23, 2017 - Written by Reporter:far dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan. Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xidho oo albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera. Waxaa kale oo ay qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xidho saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah. Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka. Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”. Related posts:Gudida Wada Hadalka U Qaabilsan Somaliland Oo Kula Yeeshay Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka War Bix... DAAWO; Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Gar adag Oo Dhibaatoyinka Abaaraha ay Sababtay Dhimashada La... Daawo:Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Gilgilay Magaalada Gaalkacayo Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka P... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|