Dadwayne Gadoodsan Oo Ka Dhiidhiyay Dulmiga Ay Xukuumadu Ku Hayso Qoyskii Gudoomiyihii U Horeeyay Ee SNM Oo Xoog Lagu Dhisanayo dhulay leeyihiin , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadwayne Gadoodsan Oo Ka Dhiidhiyay Dulmiga Ay Xukuumadu Ku Hayso Qoyskii Gudoomiyihii U Horeeyay Ee SNM Oo Xoog Lagu Dhisanayo dhulay leeyihiin ,
June 1, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Saaka arooryadii hore ayaa waxaa  weerar culus ku soo qaaday dadwayne gadoodsan dhul ay lahaayeen qoyskii mujaahid Axmed Jimcaale oo ahaa gudoomiyihii u horeeyay ee SNM oo ay xukuumadu sifo sharci daro ah iyo xoog udhisaysay cid kale oo aan lagaranayn cida ka iibisay ,dadka oo Iygau isku dayay in ay buburiyaan seef sharci daro ah oo laga waday meeshan ismarkaana ku  hubaysnaa dhagaxaan iyo wax lamida ayay iska hor yimaadeen ciidanka booliska, kuwasi oo iyagu ka difaacayay goob ay xooga ku dhisayaan  balse wax khasaare ah kama dhicin,dagaalkan oo socday mudo saacad ah ayaa markii danbe waxay ciidamadu  dadkii gadoodsanaa u adeegsadeen xabad nool oo ay kukala dareeriyeen.

DHULKA LA BOOBAY 1

DHULKA LA BOOBAY 3

Qoyskan uu ka tagay gudoomiyihii u horeeyay Ee SNM Muj. Axmed Jimcaale ayaa ku jahawareeray cida ay xukuumadu ka hor gaysay iyaga oo farta ku fiiqay in ay ka danbeeyaan dad xukuumada ka tirsan oo dhadhamo ka raadinaya dhulkoogii. Iyo waliba hugunka ciidnka oo ay ku tilmaamen mid tacadi ah

DHULKA LA BOOBAY 2

Si kastaba ha ahaatee dhulka ku yaala xaafada jigjiga Yare eek u teedsan laamiga ayay xukuumadu hunguri wayn kaga jiraa halkaas oo labadii sano ee u danbeeyayba ay ka taagan tahay shaqaaqooyin soo noqnoqda iyada oo hore loo ogaa Arimihii ka dhacay

 

COMMENTS
LINKS