Dad Salaadii Ciidda Ka Soo Dareeray Oo Baabuur Ku Jiidhay Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Salaadii Ciidda Ka Soo Dareeray Oo Baabuur Ku Jiidhay Ingiriiska
June 25, 2017 - Written by Reporter:

_96674964_a51898c9-40c4-4121-b4b9-92241a0c56f2

London(Wajaalenews)-Lix qof oo ay ku jiraan saddex caruur ahi ayaa dhaawacmay ka dib markii baabuur jiidhay dad badan oo ka soo baxay salaadii ciida oo ay ku tukanayeen  garoon ku yaal magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska.

Shilkani wuxu dhacay qiyaastii 09:14 subaxnimo saacadda London waxaanay goobta dadka baabuurku ku jiidhay tahay garoonka Westgate oo ay ka soo dareereen salaaddii Ciidda oo ay halkaa ku tukadeen ka dib.

Caruurta dhaawacmay midkood ayaa la sheegayaa in dhaawaca soo gaadhay culusyahay. Booliska Northumbria ayaa sheegay in shilkaas aan loo malaynayn inuu wax xidhiidh ah la leeyahay argagixisonimo.

Booliska ayaa sheegay in ay haweenay 42 jir xidheen oo ay gacanta ku hayaan.

Qof goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in haweenaydu waday baabuurku ay xakamayn kari wayday gaadhiga, taasina ay tahay sababta shilka dadku ku dhaawacmeen keentay.

Boqolaal qof ayaa goobtaa iskugu yimid si ay ugu oogaan salaadda Ciidda Soonfureed oo ay Muslimiintu u dabaal dagaan dhamaadka bisha Ramadaan.

 

COMMENTS
LINKS