Dad Kasoo Baxay Masaajid Ku Yaal London Oo Gaadhi La Jiidhsiiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Kasoo Baxay Masaajid Ku Yaal London Oo Gaadhi La Jiidhsiiyay
June 19, 2017 - Written by Reporter:

London(Wajaalenews)-Hal qof ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii gaadhi ladulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Nin 48 jir ah ayaa loo xidhay shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaadhi si qasad ah loo jiidhsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.
Adeega gawaadhida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.
Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

Laamaha ammaanka ayaa la soo dhoobay goobta ay arrintani ka dhacday
_96542221_43719c2d-2560-465a-a8c2-11f05be316e9 _96543577_4477acd4-73d2-452d-8c17-93e9a341cfe1 _96543576_74617a61-9449-4b12-ad99-dbbc801970c5 _96543575_e91f2577-09f9-44f7-918f-552dae9d3d70 _96542220_59982365-7026-4aec-b34b-ec7911f5ba94

COMMENTS
LINKS