Dab Xoogan Oo Qabsaday Dhisme 27 Dabaq Ah Oo Ku Yaala London | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dab Xoogan Oo Qabsaday Dhisme 27 Dabaq Ah Oo Ku Yaala London
June 14, 2017 - Written by Reporter:

London(Wajaalenews)-Dab wayn ayaa qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla magaalada London, dad goobjoogeyaal ah ayaa waxay sheegayaan in ay dad ku xanniban yihiin guryahooda.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaadheen.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaadhay lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

_96480856_de27-1 _96481296_de27-3 _96481293_040046931-1 _96481295_040046890-145 gawaadhida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay “mid wayn”.

COMMENTS
LINKS