Culimada Timo Waynta Oo Golaha Guurtida Somaliland U Gudbiyay Cabasho Ka Dhan Ah Madaxwayne Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Culimada Timo Waynta Oo Golaha Guurtida Somaliland U Gudbiyay Cabasho Ka Dhan Ah Madaxwayne Siilaanyo
June 12, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(Wajaalenews)-Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya  in maanta ay Culimada Timo-waynta Ama Suufiyadu ay golaha Guurtida Somaliland u gudbiyeen cabasho ka dhan ah madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo.

Culimadan ayaa cabashadan ay saaka u gudbiyeen golaha Guurtidu waxay salka ku haysaa guddi culimo ah oo Dhawaan madaxwayne Siilaanyo magacaabay isla markaana ka koobnaa 12 Culimo ah looguna magac daray guddiga Culimada Qaranka Somaliland,waxaana ay warqadan cabashada ah ee ay u gudbiyeen golaha Guurtida Somaliland ku lifaaqeen in madaxwayne Siilaanyo aanu guddigaas culimada ah cid kaga darin culimada Suufiyada islamarkaana uu iska ilaaway ayna xaq u leeyihiin inay kamid noqdaan guddigaas culimada ah ee loogu magac daray guddiga Culimada Qaranka Somaliland.

Culimadan Timo-waynta ee cabashada gudbiyey ayaa waxa wararku sheegayaan in ay warqadan cabashada ah ku lifaaqeen in madaxwayne Siilaanyo cadaaladd daro sameeyey iyaga oo xusay in aan iyaga cidna lagaga soo darin,waxaana ay guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ugu baaqeen in hoos loo eego cabashadooda.

Gabagabadiina dhawaan ayey ahayd kadib markii madaxwayne Siilaanyo digreeto ku magacaabay guddiga Culimada Qaranka Somaliland,waxaana laga dhur-sugayaa go’aanka iyo talaabada ay qaadan golaha Guurtida Somaliland ee ay culimadan Timo-wayntu cabashada usoo gudbisay.

COMMENTS
LINKS