Ciidammada Ciraaq Oo Markale Ku Duulay magaalada Mousil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidammada Ciraaq Oo Markale Ku Duulay magaalada Mousil
June 18, 2017 - Written by Reporter:

ciraaqiis

Mousil,(Wajaalenews)-Ciidammada dowlada Ciraaq ayaa markale dib u bilaabay duulaanka ka dhanka ah magaalada qadiimiga ee Mousil oo ah magaaladii ugu dambesay ee ay maamusho kooxda isugu yeedhay khilaafada Islaamka ee ISIS.

Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay in ay magaalada kaga soo wajahanyihiin dhanka galbeed, waxaana sidookale dullankani qeyb ka ah ciidammada booliska federaalka oo iyaguna dhanka koonfureed kaga soo wajahan magaalada.

Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in dad rayid ah oo gaadhaya toban kun oo qof ay weli ku xanibanyihiin magaalada Mousil, waxaana dadkaasi loogu baaqay inay ka baxaan magaalada.

Waxaa kale oo ay Qaramada midoobay sheegtay in dad gaadhaya laba boqol iyo sodon qof lagu dilay galbeedka magaalada Mousil labadii toddobaad ee u dambeeyay, kuwaas oo ku dhintay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidammada Ciraaq, halka qaar kalena ay toogasho ku dileen kooxda ISIS xili ay isku dayayeen inay ka qaxaan magaalada Mousil. Sarkaal katirsan ciidammada Ciraaq ayaa BBC-du u shegeen in aysan garaneyn tirade dagaalamayaasha ee ku hadhsan magaalada.


Kooxda ISIS ayaa la wareegtay gacan ku heynta magaalada Mousil sannadkii 2014-ka, xiligaas oo guud ahaan dalka Ciraaq ay kaga dhawaqeen dowlada Islaami ah.

Hasa yeshee ciidammada Ciraaq oo taageero ka helaya xulafo kala duwan ayaa bishii October ee sannadkii hore billaabay duulaan ay dib ugu qabsanayaan Moosil, waxaase howgalkaasi ragaadiyay dagaalka adag ee ay kala kulmeen kooxda Daacish.

COMMENTS
LINKS