|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle Iyo Bariga Gobolka Sanaag
June 23, 2017 - Written by Reporter:
Ceerigaabo,(Wajaalenews)-Wararka ka imanaya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Buuhoodle oo ka kala tirsan gobolada Sanaag iyo Cayn ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Qaranka Somaliland ee ku kala sugan jiidaha hore ee goboladaasi ay ku ruqaansadeen deegaano ka tirsan goboladaasi oo laga sameeyey jabhado hubaysan oo is urursaday isla markaana qaar kamid ah ay abuubuleen maamulka Puntland. Jabhadahan hubaysan ee ciidamo maleeshiyaadka ah ayaa waxa laga sameeyey magaalada Buuhoodle iyo deegaano hoos yimaada iyo waliba Bariga gobolka Sanaag,waxaana maleeshiiyaadka Buhoodle abuubalay maamulka Puntland oo iyagu kasoo horjeeda heshiiskii ay Hargeysa ku kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo. Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku sugan jiidaha Bariga Sanaag iyo Buuhoodle ayaa la sheegay In ay ku ruqaansadeen deegaanadaasi laga sameeyey jabhadaha hubaysan,waxaana wararku sheegayaan in deegaanadaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo laga cabsi qabo in uu dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland ee iyagu heeganka ugu jira difaacida xuduudaha dalkooda iyo ciidamo maleeshiyaadka is urursaday ee laga sameeyey bariga Sanaag iyo deegaano Buuhoodle ka tirsan. Waxaana ay ciidamada Qaranku galeen difaac adag sida la sheegay iyaga oo hadh iyo habeenba heegan ugu jira sidii ay u difaaci lahaayeen xuduudaha dalkooda isla markaana uga dhicin lahayeen cagtana ay u marin lahaayeen cid kaste oo dulaan kusoo qaada deegaanada iyo xuduudaha Somaliland,waxaana deegaanadaasi ay ciidamada Qaranku ku ruqaansadeen is badalay jawigooda,balse wali xaaladdu waa ay dagan tahay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|