Ciidamada Maraykanka Oo Xidh-xidhay Muwaadiniin Turki Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Maraykanka Oo Xidh-xidhay Muwaadiniin Turki Ah
June 15, 2017 - Written by Reporter:

Washigton(Wajaalenews)-Muwaadiniin Turki ah oo ku nool dalka Maraykanka ayaa la xidhay iyaga oo lala xidhiidhinayo rabshad ka dhacday bannaanka guriga uu Washington ka dagan yahay safiirka Turkiga.

Eyup Yildirim oo New Jersey dagan iyo Sinan Narin Virginia dagan ayaa wajahaya dacwado la xidhiidhta  weerar, sida ay booliisku sheegeen.

Rabshadda dhexmartay dibadbaxayaasha iyo laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa dhacday intii uu booqashada ku joogay Maraykanka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan bishii hore

Booliiska ayaa ku tilmaamay “Weerar awood xad dhaaf ah loo adeegsaday oo lala beegsaday dad si nabadgalyo ah u mudaaharaadaya.

Erdogan ayaa ku jiray gaadhi taagnaa meel aan sidaa uga fogayn wuxuuna goob joog u ahaa dagaalkii halkaas ka dhacay.

Yildirim iyo Narin waxaa labadoodaba la ogaaday in ay taageere u yihiin madaxweyne Erdogan sida lagu sheegay warbixin faahfaahsan oo uu diyaariyay wargeyska New York Times.

Wargeysku wuxuu sheegay in nimankaasi ay u safreen Washington si ay taageero ugu muujiyaan madaxweynaha, laakiin ma cadda in ay xidhiidh toos ah la lahaayeen laamihiisa ammaanka.

Muuqaal laga duubay dhacdadaas ayaa muujinaya rag suudad qaba oo intay booliiska dhaafaan haddana wajiga ka laadaya oo kala tuuraya dadkii mudaaharaadayay.

Labo ruux oo kale ayaa hore dacwad loogu oogay.

kow iyo toban ruux ayaa dhacdadaas wax ku noqotay, sagaal ka mid ahna waxay u baahdeen in cisbitaal lagu daweeyo.

Dawladda Maraykanka ayaa dhacdadan cabasho uga gudbisay dawladda Turkiga waxayna xaqiijiyeen in ilaaladii Turkiga ay qayb ka ahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee safaaradda Turkiga ayaa sheegtay in dibad baxayaashu ay u goodiyeen muwaadiniinta Maraykanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Turkiga oo rabay in ay salaamaan madaxweynaha markii dambana ay lafahooda ka difaacdeen.

COMMENTS
LINKS