Boqor Badmadoow Oo Maxkamada La Horkeenay Iyo Qodobadii Lagu Soo Eedeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqor Badmadoow Oo Maxkamada La Horkeenay Iyo Qodobadii Lagu Soo Eedeeyay
June 4, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(Wajaalenews.net)-Boqor axmed badmadoow oo mudo laba bilood ah sifo sharci daro ah ugu xidhnaa xarunta C.I.D ee magaalada hargaysa ayaa saaka la horkeenay maxakamada  iyadoo lagu soo eedeeyay inuu hadalo dadwaynaha kicinaya uu warbaahinta ka sheegay.

Markii maanta maxkamada la horkeenay la dhagaystay kiiska dacwadii lagu soo eedeeyay iyadoo aanay maxkamada kasoo xaadirin cidii uu u xidhnaa ee soo eedaysay.

Waxaa kamid ah qodobada lagu soo eedeeyay  in uu boqor axmed badmadoow uu sheegtay boqorka beesha subeer awal,iyo inuu iskii isku caleema saaray oo aanu ka diwaan gashanayn wasaarada arimaha gudaha oo aanay jirin wax kaadh ah ama waraaq cadaynaysa boqornimadiisa aanu ka haysan wasaarada arimaha gudaha iyo kicin dadwayne.

Hadaba waxaa jira masuuliyiin sheegta suldaanimo oo hadalo iyo aflagaado isku mariya warbaahinta oo aanay xukumadu aanay waxba ka qaban oo aan haba yaraatee aan la xidhin,kiiska boqor badmadoow ayaa habayaraatee aan ahayn kiis sax ah oo uu u xidhan yahay masuuliyiinta sar sare ee xisbiga kulmiye iyo xukumada.

Ugu danbayntiina maxakamdu wax xukun ah kumay ridin boqor axmed badmadoow waxaana garsooruhu ku dhawaaqay in maalinta sabtida tobanka bisha ah wiiga danbe dib loogu soo celiyo maxkamada

 

 

WAJAALENEWS.NET

HARGAYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS