|
|||||
WAJAALE NEWS
Bankiga Aduunka Oo Gargaar Ugu Deeqaya Qaarada Afrika
June 14, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(Wajaalenews)-Bankiga aduunka ayaa ururrada gargaarka siinaya konton milyan oo doollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo loogu talo galay in gargaar degdeg ah lagu gaadhsiiyo Soomaaliya, oo sanado badan ay abaaro daashadeen. Guud ahaan Geeska Afrika ayay abaartu ku dhufatay, iyadoo lix iyo labaatan iyo badh milyan qof ay gaajo hayso. Gobolka ayaa wajahaya xaalad cunno yaraan ah tii ugu darneyd. Macaluul ayaa ka jirta South Sudan. Gargaarka cunto ee la siiyo Itoobiya ayaa ku eg bisha soo socota. Balse qaybo kale oo dunida ah ayaa waxaa ka jira baahiyo daran iyada oo gargaarkuna uu ku yar yahay. Sidaa daraadeed bankiyada horumarineed oo sida caadiga ah dalalka deymiya lacago loogu talo galay dhismaha iyo mashaariic kale ayaa haatan xaaladda soo fara gelinaya si ay caawinaad ugu fidiyaan dadka gargaarka u baahan. Bishii hore, Bankiga Horumarinta Afrika, ayaa sheegay inuu bixin doono in ka badan hal bilyan oo doollarka Mareykanka ah si uu gacan uga geysto la dagaallanka abaarta ka jira qaaradda. Bulshada dibadda ku nool, ganacsatada gudaha iyo kooxo kale ayaa sidoo kale samaynaya waxay awoodaan. Lacagaha dibadda laga soo diro ayaa wax weyn qabtay. Balse xawaaladaha qaarkood ayaa waxaa saameyn ku yeeshay xasaradaha bankiga oo micnaheedu yahay inay la daalaa dhacayaan inay si hufan u shaqeeyaan. Related posts:DP World Oo Korodhisay Tacriifadda Alaabooyinka Dekedda Berbera kazoo Degaya Iyo wakhtiga Ay Dhaqan-... Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Xildhibaan Ibraahim Axme... XISBIGA WADDANI: WAR-SAXAAFADEED GUDDIGA KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO TAMARTA OO KA HADLAY ARIMO BAD... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|