Axkaamta Bisha Ramadaan Qaybtii 12-aad ..W/Q: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axkaamta Bisha Ramadaan Qaybtii 12-aad ..W/Q: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
June 7, 2017 - Written by Reporter:

Halkan Ka Akhriso Qaybaha 11-aad iyo 12-aad

Axkaamta Ramadaanta

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 11aad

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Haddaba halkan waxa aynnu wax yar ka tilmaami doonna Shuruudaha iyo Arkaanta Salaadda ee aynnu soo tilmaanay .

Shuruudda Salaadda waxa ka mid ah:

§  Muslim (gaalka salaadda waxa uga horraysa in uu Ilaahay SWT rumeeyo)

§   Dahaara-qab (haweenayduna ka dahaara qabto dhigga cadada, dhabar furanka iyo dhiigga dhalmada ka dambeeya)

§  Gaadhista wakhtiga salaadda

§  Miirqab

§  Qaan-gaadhnimo

§  Waysa-qabnimo

§  Jihaada oo aad u jedsato

Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:

§  Takbirta (in aad Salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)

§  Akhrinta fataxada

§  Rukuucda iyo in aad ku xasisho

§  Ka soo toosidda rukuucda iyo in aad ku xasisho

§  Sujuudda iyo in aad ku xasisho

§  Marka aad ka soo toosdo sujuudda in aad ku xasisho

§  Fadhiga dambe .

Sida oo kale salaadaha; Jimcaha, Ciidda, qorrax ama dayax madoobaadka, roob-doonta, jinaasada, iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, qaabkaa oo ka sugnaday Rasuulka CSW in uu u tukaday.

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sida oo kale hab maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, wax soo saarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoogu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay. Hab maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheera ah uun baa magaalada sidu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey. Ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta uun iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.

Markii islaamku soo baxay ayaa dadki diintii u sinnaadeen, Rasuulka CSW waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan, sida oo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal oo kale. Rasuulku CSW isku si uun buu ula dhaqmi jirin midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeyey.

Dad la dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka helayeen sinnaan, taasana saldhig u ahayd inay hal daba la’ u soo galaan diinta qof kasta oo hoos loo eegi jiray ba.

 

Axkaamta Ramadaanta

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 12aad

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Boqor ka mid ahaa boqoradii ka talin jiray jasiiradda Carbeed ayaa soo diray nin ergay si uu uga soo xog bixiyo Nabigan la sheegayo in uu soo baxay. Dabadeed ninkii la soo diray ayaa markuu ku noqday kii soo diray ka jawaab celiyey wixii uu soo arkay, wuxuuna yidhi, “Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan se ninkaa ‘Nabiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin, iska daa wax kale candhuuftiisu inay dhulka ku dhacdo uma ogola.”

Sida oo kale raggu Rasuulku CSW soo saaray, dhaqankaa mid la mid ah bay la hayeen, Cumer ina Khaddaab xilligu talada Muslimiinta hayey waxa dhacday in sida oo kale boqor uu soo diray ergay xaggiisa ka socday si uu Cumar farriintiisa ugu gudbiyo. Ergaygii boqorka ayaa magaaladii Madiina soo gaadhay, wuxuu islahaa xarun madaxtooyo ayaad ka heli ninka ummadda Muslimiinta u taliya, e wuxuu magaaladii ka waayey guri ka duwan kuwii magaalada ku yaallay, markaas ayuu bilaabay in uu dadka waydiiyo Cumar halka uu joogo, qof kastaa wuxu ku yidhaa, “Mar dhawayd halkan buu joogee meelaha ka eeg,” ilaa nin u su’aallay ku yidhi wakaa geedkaa hoos jiifa. Ninkii markuu arkay Cumer oo geed iska hoos jiifa ayuu yidhi ereyo dhaxal gal noqday, “Caddaalad baad ku xukuntay, markaasad nabad heshay, dabadeed iska seexatay.” Waa ta ay maanta garan la’yihiin madaxda Muslimiintu ee kharashka ku baxa ilaalintoodu ummadahooga wax tari lahayeen.

Dad la dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah qofka ku shaqaynaya in aad dareensiiso in aad ixtiraam u hayso, hadalada qalafsanna aad ka ilaaliso, sida oo kale qudhaadu ogsonaato in dani ku ag keentay oo laysku kiin imtaxaamayo, sidaa darteed aanad kula dhaqmin wax anshax xumo ah. Rasuulku CSW isaga oo hormood keeni ahaa ayaa habdhaqanadiisi sarreeyey waxa ka mid ahaa sida Anas ina Maalik Rc ka sugan inu yidhi, “Toban sannadood baan u shaqaynayey Rasuulka CSW maalin kaliya wax aan sameeyey maxaad u samaysay ima odhan, wax aan samayn waayeyna maxaad u samayn wayday ima odhan.” Inta u badan dadka wada shaqeeya waxa ay isku qabsadaan ee canaantu ka dhacdana waa intaa.

In aad dadka kula dhaqanto hab-dhaqan wanaagsani wuxu keenaya in qudhaada lagula macaamilo hab-san. Sidaa ajligeed buu Rasuulku CSW lahaa, “Dadka kula dhaqan si wanaagsan.” Dadkuu waa geed aad beerato oo kale, kolba sida aad ku tahay ayey iyaguna kugu ahaanayaan.

COMMENTS
LINKS