Australia Oo Soo Celisay Weeraradii Ka Dhanka Ahaa Kooxda Dowlada Islaamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Australia Oo Soo Celisay Weeraradii Ka Dhanka Ahaa Kooxda Dowlada Islaamka
June 23, 2017 - Written by Reporter:

Dawladda Australia ayaa sheegtay in ay soo celinayso weerarradii dhanka cirka ahaa ee uu milaratigeedu ka fulin jiray gudaha Suuriya.

Arbacadii ayaa lagu dhawaaqay in si ku meelgaadh ah loo baajiyay ka dib markii uu Ruushku ka digay in uu sidii halis rasmi ah u bartilmaameedsan doono diyaaradaha xulafada uu Maraykanku hogaaminayo.

Digniintaas ayaa soo baxday ka dib markii uu Maraykanku soo riday diyaarad milatari oo ay Suuriya leedahay.
Wasaaradda difaaca ee Australia ayaa sheegtay in ay “qaaday talaabooyin taxadar leh si ay u suuragasho in xulafadu ay qiimayso halis ka imaankarta hawlgallada ay wadaan”.

_96588040_c973ecde-4206-49e0-bf10-544837d4f3d9

 

Xukuumadda Australia ma aysan sheegin inta ay ahayd muddadii la hakiyay hawlgalkan.
Australia ayaa xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ku kabtay 780 askari si ay ula dagaalamaan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya.

COMMENTS
LINKS