|
|||||
WAJAALE NEWS
Aqlabiyadda xubnaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka Oo Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyey Qoraal ay ku Caddeeyeen Qanadaraasyo Sanadkan la Musuq Maasuqay Iyo Amarada ka soo Baxa Madaxtooyadda Oo Shaqayn la’
June 11, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) Aqlabiyadda xubnaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland oo ka kooban toddoba xubnood ayey shan ka mid ahi toddobaadkan madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Guddoomiyahooda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha oo siu sharci darro ah u sii daayey qandaraasyo dhawr ah sanadkan gudihiisa, kuwaas oo ay ku taliyeen in talaabo deg deg ah uu ka qaado maadaama uu bixiyey amaradii wax lagaga qaban lahaa. Xubnaha Guddida qandaraasyaddu qoraalkooda waxay ku xuseen in Maaliyadda, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda iyo Hanti-dhawruhu sii daayeen mashaariic aan marin nidaamaka Qandaraasyadda, kuwaas oo kala ah gaadiid wasaaraddo Iibsadeen, kuwaas oo aan guddida la soo marin, dhismayaal iyo Dawooyinka Xoolaha. Xubnaha Guddida Qanadaraasyaddu waxay sheegeen dhamaan lacagahaas in ay fududeeyeen Hati-dhawraha Guud ee qaranka iyo Xisaabiyaha Guud, iyagoo sheegay in aan laba soo hor dhigin guddida, isla markaana sharciga Qandaraasyaddu dhigayo in toddobada Xubnood shan ka mid ah cod gacan tag ah ku ogolaato marka la soo hor dhigo kulan furan oo xubnuhu goob-joog ka yihiin, taasoo ay qoraalkooda ku caddeeyeen in aanay dhicin meel lagu soo hor dhigay Guddida. Xubnaha Aqlabiyadda Guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland oo ah shan xubnood waxa ay sheegeen in Guddoomiyahoodu si hoose ula macaamilo cida qandaraaska qaadanaysa isla markaana uu kalidii u ansixiyo, sidaas sharci darada ahna ay Hanti-dhawraha iyo Xisaabiyuhu ugu sii daayaan lacagaha halkii ay ka ahayd in ay weydiiyaan ama ku meel mariyaan go’aanka xubnaha guddida oo ay tahay shan xubnood inay Ansixiyaan. Qoraalka dacwadda ah ee Xubnaha Aqlabiyadda Guddida Qandaraasyadda ayaa sidoo kale lagu xusay inay sanadkii u danbeeyey ee 2016-kiina Qanadaraasyaddii qaranku ay ku baxeen nidaamkaas Musuq maasuqa, sidaas daraadeed-na la baahan yahay Madaxweynuhu maadaama oo uu guddi u magaacabay isla markaana uu go’aansaday in uu wax ka qabanayo.
XIGASHO WAHEEN Related posts:Madaxwaynaha Maamulka Tigreega Oo Ka Hadlay Dagaalo UDhexeeya Ciidankooda Iyo Kuwa Dawlada fadaraalk... DAAWO; Muuqal Mucjiso Ah Wariye Badri Koosar Oo Waraysi dhinacyo Badan Taabanaya La yeeshay Wiil la... DAAWO ; Deegaanadda Galbeedka Hargeysa Oo In Kabadan 1650 Saacadood Oo Beera-qodis ah Loogu Deeqay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|