Akhriso Nuxurka Kulan Hargeysa Ku Dhex Maray Wafti Ka Socda Maraykanka Iyo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhriso Nuxurka Kulan Hargeysa Ku Dhex Maray Wafti Ka Socda Maraykanka Iyo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
June 29, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Safiirka dawladda Mareykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr.Stephen Schwartz., ayaa socdaal uu ku soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxa uu kulan  gaara u la qaatay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md.Cabdiqaadir Yuusuf Iimaan.

Kulankan oo ka dhacay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa ay labada dhinac ba kaga wada hadleen arrimo khuseeya qabsoomidda Doorashada Somaliland ee la filaayo in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkan iyo weli ba sida oo kale halka ay mareyso qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa si faahfaahsan uga xog waramay halka ay wax u marayaan, waxaana uu sheegay in wakhti xaadirkan ay si toos ah u gelayaan qeybintii kaadhadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada Somaliland ee goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer isaga oo sheegayna in hore ay u soo dhammeeyeen goballada Saaxil,Boorama iyo xeebaha Sanaag, waxaana uu si aada carabka ugu dhuftay in ka Komishan ahaan aanay jirin wax qabyo ah oo hawshaas kaga hadhan farsamadeeda.

Danjire, Stephen Schwartz oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey guddoomiyaha Komishanka iyo kooxdiisa la shaqeysa ba oo uu sheegay in ay ku amaanan yihiin sida fiican ee ay hawshaas u wadaan qabashadeeda.

 

 

2-18-740x555

 

COMMENTS
LINKS