Adeega internetka Oo Ka Maqan Qaybo Kamid Ah Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Adeega internetka Oo Ka Maqan Qaybo Kamid Ah Soomaaliya
June 25, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho-6

Muqdisho(Wajaalenews) –Adeegga internetka ayaa ka maqan magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka soomaaliya, ayadoo arintan ay saameyn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed ee adeegsata Internetka.

Masuuliyiin ka tirsan shirkadaha bixiya adeegga Internetka oo lala xidhiidhay ayaa  sheegay in ay jirto cillad yar oo heeysata balse ay ku mashquulsanyihiin sixitaankeeda.

“Walaalow cillad dhanka sateliteka ayaa jirta, xarunta weyn ee Muqdisho ayay ka jirtaa, waxay  sheegeen in ay wadaan sixitankeeda, saacado kadib waxaan rajeeyneynaa in uu hagaago,” sidaa waxaa yidhi mid kamid ah howlwadeennada shirkadda Global xarunteeda Kismaayo isagoo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Internetkii Shirkadda Hormuud ayaa sidoo kale hawada ka maqan, ayadoo masuuliyiinteedu ay sheegeen in ay socdaan dadaallo lagu saxayo.

Masuuliyiinta shirkadda Horumuud oo  lala xidhiidhay ayaa sheegay in cillad ay heeysato shirkad fadhigeedu yahay Nairobi oo ay khadka ka heli jireen, sidaa darteed ay iyaguna hawada uga baxeen.

Shirkadaha Hormuud iyo Global oo kamid ah kuwa bixiya adeegga ugu badan ee dhanka internetka ee gobollada koonfureed ee dalka soomaaliya ayaa gabi ahaanba hawada ka maqan ilaa xalay saqdii dhexe.

COMMENTS
LINKS