38 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dalka Afghanistan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
38 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dalka Afghanistan
June 22, 2017 - Written by Reporter:

IMG_20170622_205244

 

Helmand,(Wajaalenews)-Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 38 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askar iyo shaqaale dowladeed ay isugu soo baxeen dibedda bankiga New Kabul ee magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkargah, si ay mushaharkooda u qaataan markii qaraxa lagu weeraray.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka, Omar Zwak, ayaa sheegay in qaar ka mid ah kuwa dhaawacmay “ay ku sugan yihiin xaalad liidata”. Waxa uu intaas ku daray in shaqaale milatari iyo kuwo rayid ah ay ka mid yihiin dhibanayaasha.

Qaraxan dhimashada badan ayaa yimid maalmo un ka hor dabaal degga ciidda ee dalka Afghanistan oo la filayo inay ku beeganto axadda.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Helmand waa gobolka ugu ballaadhan ee dalka Afghanistan oo inta badan dhulkiisa ay maamulaan ama saameyn ku leeyihiin kooxda Taliban.

COMMENTS
LINKS