25 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Dalka Pakistan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
25 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Dalka Pakistan
June 24, 2017 - Written by Reporter:

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalada waqooyi galbeed Parachinar ee dalka Pakistan.

Xildhibaan maxali ah ayaa BBC-da u sheegay in qaraxan uu dhacay iyadoo ciidammada ammaanka ay isku dhaceen dad cadheysan oo ka dibad baxayay xaalada amni xumo ee waddanka.

Booliiska ayaa sheegay in labada qarax ee Parachinar ay isku mar ka dhaceen meel goob gaadiidka dadweynaha laga raaco oo ku dhaw suuqa Parachinar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa Shiica. Inta badan dadka gobolka Parachinar ayaa ka soo jeeda Shiicada tirada yar ee Pakistan.


Saacado ka hor, ayaa qarax kale oo ay ku dhinteen 13 qof oo kale waxa uu ka dhacay magaalada Quetta.

Qaraxaasi Jimchihii ka dhacay Quetta ayaa waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dagaalyahannada laba kooxood oo kala duwan.

_96624088_65379f79-6e1b-41b4-a9b5-b3255647533a

Ilaa iyo hadda ma jirto sharraxaad la xidhiidhta sababta ay labada kooxood ee Daacish iyo Taalibaan u sheegteen in ay ka dambeeyaan weerarkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in inta badan dadka qaraxaasi ku dhintay ay ahaayeen booliis.

COMMENTS
LINKS