|
|||||
WAJAALE NEWS
150 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Booyad Shidaal Oo Ku Qalibantay Dalka Pakistan
June 26, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Saraakiisha Dalka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 150 qof ay dhinteen ka dib markii booyad shidaal siday ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Pakistan ku taal ee Ahmedpur. Dad ayaa ku soo ururay meesha ay booyaddu ku qallibantay oo doonayey in ay dhurtaan shidaalka, ka dibna waxa dab qabsaday booyaddii sidaas ayayna dad badani ku dhinteen. Tobanaan kale ayaa isbitaallaada lagu dawaynayaa. Dad sigaar cabayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday shidaalkii daatay iyo booyaddaba, sidaa waxa ku waramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob joog ahaa. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka ayaa goobta loo diray si ay dadka dhaawaca ah isbitaallada ula gaadhaan, sidaana waxa sheegay af-hayeenka ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor. Warbaahinta Pakistan ayaa baahisay sawirrada baabuur iyo maydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|