War-Deg-Dega:Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Taliyihiisii Toogtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Taliyihiisii Toogtay
May 29, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Askari ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa toogtay sarkaal ka tirsan xerada ciidanka qaranka ee galbeedka buurta gantaalaha ee magaalada hargaysa.

Askarigan Dhintay Oo Lagu Magcaabi Jiray Dal-Dal ahaana taliye ku xigeenka ciidanka qaran ee gantaalaha ayaa lagu soo waramayaa inuu u geeriyooday rasaas uu ku faray askariga ka tirsan ciidanka.

Dhinaca kale wararka nasoo gaadhaya ayaa lagu soo waramayaa inuu askariga markii uu fuliyay dilka goobta ka baxsaday isla markaasna waxa la sheegayaa in lasoo qabtay nin meherada haysta oo uu u dhiibay qorigii uu dilka ku fuliyay.

Ilaa hadda taliska ciidanka qaranka iyo wasaarada kashaan-dhiga Somaliland wax war ah kamay soo saarin dilka taliye

 

COMMENTS
LINKS