Wadaadadow Maad Garan Qaladka Jira. Qalinkii Maxamed Cali Bile | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadaadadow Maad Garan Qaladka Jira. Qalinkii Maxamed Cali Bile
May 30, 2017 - Written by Editor:

Wadaaddo ayaa eedeyeeyey Sheekha duleedka magaalada dadka biyaha ku rusheeya ee la yidhi uu dabiibaa. Wadaadadani waxaaney ogeyn in dadka sheekhaa u tagaa ay u badanyihiin dadka masaakiinta ah iyo kuwa aan heysan dhaqaale ay India iyo Yurub ku tagaan, balse taagtoodu ay noqotey iney biyahaa lagu rusheynayo miciinsadaan. Anigu sheekhan ma taageersani. Waxa dhici karta iyo Sheekhani uu “Psychology” uun wax ku daweynayo. Waxaana dhici karta in Ilaaheyba u aqbalo ducadaa iyo Qur’aankaa uu dadka ku akhriyayo. Sidaasooy tahay, waxa an rumeysanahay in dariiqa keli ah ee inoo furani yahay in nidaamka caafimaadka dalku inoo wanaagsanaado oo uu noqdo nidaam miskiinku kaga maarmo biyo lagu rusheeyo iyo dhir loo walwalaaqo.

Wadaadadan Sheekha diidani waxa ay aheyd iney ka hadlaan in dalku yeesho nidaam caafimaad oo qofka miskiinka ah lagu daweeyo lacag la’aan. haddii laga tegi waayo, wadaadadu masaajidadooda ha fureen masaakiinta oo maalinba boqol qof Qur’aanka haku akhriyeen, waaba intaasoo Ilaahey dawo uuga dhigaaye. qofka miskiinka ah ee la yidhi $1,000 ayaa lagugu qalayaa ee aaney bishii hal doolar soo gelin muxuu sameeyaa haddaanu hadba meesha dabiib lagu sheego tegin.

 

QALINKII MAXAMED CALI BILE

COMMENTS
LINKS