Waa Gaf Wayn In Bulshada Gobolka Gabiley Mar Labaad U Garbo Duubnaato Qorshaha kulmiye Ee Salka Ku Haya Abtirsiimo!!! Fariinta AQoonyahanka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Gaf Wayn In Bulshada Gobolka Gabiley Mar Labaad U Garbo Duubnaato Qorshaha kulmiye Ee Salka Ku Haya Abtirsiimo!!! Fariinta AQoonyahanka,
May 10, 2017 - Written by Editor:

 Go ”aano Ka Soo Baxay Kulankii Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarada Gobolka Gabiley,

GABILEY(W,N)  Gobolka Gabiley Waa deegaanka ugu dhaw Caasimada S/land Hargaysa ee  Magaaloobay waxaanu G/Gabiley ka kooban yahay 6 Dagmo oo Afar ka mid ah yihiin Magaalooyin camiran sida Gabiley, Wajaale,Alaybaday,Arabsiyo, halka Dagmada Agabar iyo Geedbalaadh ay yihiin Dagmooyin soo koraya iyadoo Tirada Codbixiyayaasha iska Diiwaan galiyay ay yihiin 58000 Cod bixiye waxaana Shirka Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka G/Gabiley si wayn loogu lafo guray Kaalinta Siyaasiyiinta G/Gabiley kaga jiraan Jaangoynta Siyaasada Arimaha Dibada iyo Arimaha Gudaha S/land halka dhanka kale si adag looga dooday in Bulshada G/Gabiley noqday ka ugu dadka badan Dagmooyinkii Gobolada loo Magacaabay iyadoo Shirka Dhalinyarada iyo Aqoonyahanku ku soo beegmayo waqti Bulshada G/Gabiley la daalaa dhacayso Hadimooyinkii ay kala kulmeen Taageeradii baaxada lahayd ee ay la garab joogsadeen Xisbiga Kulmiye Doorashadii Madaxwaynaha ee Dalka ka qabsoontay Maalin ku beegan 26/6/2010 waxaana Maalmahan u danbeeyay u socda Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada G/Gabiley kulano lagu lafo gurayo oo lagu qiimaynayo Baaxada Hadimooyinkii ka soo gaadhay Guushii Xisbiga Kulmiye iyadoo Dood kulul oo ka dhacday Hoolka ay kulanka ku yeesheen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka G/Gabiley ay u dhacday sidan .

Gagada Xisbiga Kulmiye waa mid u xidhan koox yar oo Caqliga,Curinta iyo Fahanka Siyaasada ka dabran oo u garbo duuban Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , Geediga Saaxada Siyaasadu waa mid dharaar iyo habeen socda oo Gadgadoomaya, Waqtiguna wuu isgurayaa waxaana hubaala in Guul iyo Guul darro midka aad kala kulanto Saaxada Siyaasada Mustaqbalka lagu xusi doono Diiwaanada Taariikhda iyadoo maanta ay ka muuqdaan guud ahaan Gobolka Gabiley raadkii Hadimooyinkii ay kala kulmeen Taageeradii baaxada lahayd ee ay la Garab joogsadeen Xisbiga Kulmiye Doorashadii Madaxwaynaha ee Dalka ka dhacay 26/6/2010 , sidaa waxaa yidhi mid ka mida Aqoonyahankii iyo Dhalinyaradii Kulanka ku yeeshay Magaalada Gabiley , mar kale mid ka mida Aqoonyahanka Gabiley oo Kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay in Doorashadii Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ay Guud ahaanba lumisay Kalsoonidii Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Bulshada G/Gabiley isagoo yidhi waxaa Maalinba Maalinta ka danbaysa sii kordhaysa Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga Wadani oo tix galinteeda mudan, mar kale waxaa kulanka u danbeeyay ee Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gobolku ay ku kulmeen Magaalada Gabiley ay doodii Dhalinyarada iyo Aqoonyahanku ku soo biyo shubatay in la gaadhay Waqtigii si qoto dheer looga doodi lahaa Mustaqbalka Siyaasadeed iyo Murashaxa Madaxwayne ee Sadexda Xisbi Qaran ee ay Codkooda siin doonaan  iyadoo kulanka Maanta la isla qaatay in Sadex Qodob ay bud dhig u noqdaan  Shirwaynaha Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ee G/Gabiley  .

CALAAMADA GABILEY

1: Waxay Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka G/Gabiley Xaqiiqsadeen Guul darrooyinka Xidhiidhka ah ee Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan ka soo gaadhay Guud ahaan  Taageeradii Baaxada lahayd ee  Abtirsiimada ku dhisnayd ee ay la garab joogsan jireen Siyaasiyiinta Galbeedka Maroodi Jeex.

2: Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Gobolka Gabiley waxay maanka ku hayaan Maamul xumo, Musuq-maasuq,Eex,Qaraabo kiil,Cadaalad darro,Ku tumasho Sharci iyo Hadimooyinkii ka soo gaadhay Taageeradii ay hore ay la garab joogsadeen Doorashadii Xisbiga Kulmiye iyo Madaxwayne Siiraanyo .

3: Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada G/Gabiley waxay Xaqiiqsadeen in Doorashada Madaxwaynaha ee la filayo in ay Dalka ka qabsoonto 13/11/2017 ay si qoto dheer uga Fikiraan una lafo guraan Murashaxa Madaxwayne ee Taageero baaxadle la garab joogsan doonaan .

Kulanka Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada G/Gabiley oo halku dhigiisu ahaa  Waa Gaf Wayn In Mar Labaad Bulshada Gabiley Tolnimo U Garbo Duubnaato?   Iyadoo go”aanada ay isla qaateen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanada ay ugu baaqayaan Bulshada Gobolka Gabiley  in ay taageeraan Fikirka Aqoonyahanka iyagoo ku Guubaabinaya Shacabka G/Gabiley in si wayn looga Fikiro loona qiimeeyo Jidkii Shalay Khasaaraha baaxada leh kala kulmeen isla markaana jid cusub Bulshada Gobolka Gabiley maraan.

Ugu danbayn  Geediga cusub ee Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada G/Gabiley  sahankoodu u dhaqaaqay ayaa la filayaa in uu ku jihaysan yahay Xisbiga Mucaaradka ee Wadani waxaana hubaala in ay Dhalinyarada iyo Aqoonyahanku ay ka soo horjeedaan  in ay mar labaad u Garbo Duubnaadaan Abtirsiimo iyo Tolnimo waxaana ka go”an in Bulshada G/Gabiley ay ka gilgishaan Hadimooyinka ka soo gaadhay Xisbiga Kulmiye .

 

GABILEY OFFICE ;

WAJAALE STAFF

 

COMMENTS
LINKS