|
|||||
WAJAALE NEWS
Tabashada & Baahida Umada Musharaxa Kulmiyoow Eray Ma Ugu Hiilisay Maalin Qudha? Qalinkii Aadan Deeq
May 15, 2017 - Written by Editor:Waxaan Jamhuuriyada Somaliland ku hoggaamin doonaa sharciga iyo shuruucda dalka si loo helo Cadaalad. Muj. Muuse Biixi Ma xuma laakiin hadii aan Musharaxa Lagaba hayn oo aanu umadaba ubasoo bandhigin Qaybaha amaba Wasaaradaha waajibaad koodu aadka Hooseeyo iyo Cabashada ugu Badan ee Dhalilaaha leh Umaduna ka Cabato maanta, Muxuu yahay Sharciga iyo Shuuruucda Dalka uu ku Hogaamin Doono si loo Helo Cadaalad? Wali lagama hayo Musharaxa Kulmiye Afkiisa Isagoo leh Xisbi Xaakimku Halkaa waa ka liitaa amaba Arintaa waa Ku Qaldan yihiin! Musharaxa Kulmiye wuxuu inoo sheegay inuu ku Hogaamin doono Sharciga iyo Shuruucda Dalka si loo helo Cadaalad! Hadalkaa isaga ah waxaad ka dheehan kartaan In aanay dalka Cadaaladi kaba jirin oo haba yaraatee Shuruucda iyo Sharciga Dalka u yaala aan la Sugin. Hadalkan isaga ah ee Musharaxa Kulmiye kasoo yeedhay wuxuu ka hor imanayaa su’aalo in badan bulshadu is waydiinaysay oo ahaa ” Xisbul Xaakimka Kulmiye ee Talada Dalka Haya, Muxuu Kaga Duwanaanaya Xisbiga Kulmiye?” Run ahaantii su’aashaas wali waa ka Jawaabi kari laayihiin Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxa Jagada Madaxwayne u Tartamayii. Badiyaa Musharaxa Xisbiga Kulmiye Markuu hadlaayo ee uu Madal Umada hadal uga jeedinaayo wuxuu Xusaa oo Carabka aad ugu Xejiyaa in Xukumada Madaxwayne Siilaanyo Hormoodka ka yahay aay tahay Xukumadii Horumarka ee Barnaamijkii aay Ololaha ku Gashay kuna Hanatay Hogaanka Dalka Mid ka Midho Dhalisay oo Sideeda u Fulisay. Su’aasha umadu qabtii waxay tahay, Mudane Musharax kaa maba hayno Barnaamij kii Baahiyahayaga iyo Tabashadayada wax ka turjumaaya oo Kulmiye mar labaad ku Doorano? Mudane Musharax Xisbigii Kulmiye ee hore aanu u dooranay kamaanaan helin Dheeftii iyo Xanaanadii aanu ka Filaynay, Xisbiga Kulmiye iyo Xukumaduna waa HAL ee ma’aha LABA KALA DUWAN sida aad noogu dhigtaan!
QALINKII AADAN DEEQ Related posts:Gurrac: Sheeko Isku Rogtay Tix Maanso Ah Oo Uu Curiyay Xamse Cabdiraxmaan Khayre Mawqifkii Cigaal Ee Nidaamka Dimuqraadiyadda Iyo Dhibka Soomaaliya Ku Hayso Somaliland ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฌ๐๐๐ก๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฆ๐ฌ๐๐๐ ๐๐จ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฌ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ ๐ ๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐ ๐ ๐๐ข๐ข๐ก๐๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐ช๐๐ฌ๐ก๐๐... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |