“Suugaantii Soomaalida Jiilkan Dambe Wax Cusub Bay ku soo Kordhiyeen Oo Jiilalkii ka Horeeyay Aanay Gaadhin”. Muj Cali Guray . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Suugaantii Soomaalida Jiilkan Dambe Wax Cusub Bay ku soo Kordhiyeen Oo Jiilalkii ka Horeeyay Aanay Gaadhin”. Muj Cali Guray .
May 14, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) MUJ Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa falanqayn ku sameeyay  maansada DAAL IYO MA WADALEEY oo kuu dhawaanABWAAN Cabdilaahi xasan ganey kusoo galay silsiladii MIIMLEY Oo u u raray god cusub oo laba xaraf waxaanu udhignaa sidan;

Waxan Dhegeystay Maanso Uu ka qaaday Cabdillahi yare( Ina Xasan Genay) godka Jiiftada oo leh laba qaafiyadood oo miim iyo deel ah. Qaafiyaddu haday maansadu badday doonto ha noqoto eh waxa lagu yaqaanay hal xaraf. Laakin laba xaraf oo weliba jiifto ah oo beyd keliya kuwada jira ma sahlana waxan is idhi malaha rag baa rag iska reebaya oo leh hana haybsan. Hadii uu gabay noqon lahaa gabayga tuducu waa laba qaybood oo hooris iyo hoojis la yidhaa marka labada qaafiyadood wuu ka sahlan yahay inkastoon hore loo arag jiiftada oo ah shadri ama qayb keliya oo la mid ah qayb ka mid ah tuduca gabayga( hooris ama hoojis). Hadda garo oo sidii Cabdiqays isagu xadka kama gudbayo marka aynu ka eegno dhinaca Miisaankii Maansada ee AHN Macalin Gaariye eh.

 

MUJ CAL GURAY

COMMENTS
LINKS