Maxaynu Ka Ognahay Madaxweynayaasha Aan Xaasaska lahayn! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaynu Ka Ognahay Madaxweynayaasha Aan Xaasaska lahayn!
May 5, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Hogaamiye waliba waxa uu xaq u leeyahay inuu doorto dariiqada nolosha qoysnimo ee uu danaynayo, hadii ay tahay inuu xaasas badan yeesho amaba hadii uu doorbidayo inuu kelinimo ku noolaado, iyadoo inta badan Madaxda wadamada Xukumaa ay caruur badan oo ilaahay siiyaa ku kordhiso haybad uu ka helo shacabkiisa ayaa hadana halkaa waxaa ah madax iyagu doorbiday inay kelinimo noolaadaan oo aanay xaas iyo buuqiisa toona isku mashquulin.

xaasaska lahayn

Madaxdaa waxaa Ugu Horeeya suldaan Qaabuus Bin Saciid, Suldaanka saldanada Cumaan oo inkastoo uu mar guursaday, hadana aan wax caruur ah lagu irsaaqin, xaaskii keliya ahaa ee uu guursaday oo ahayd gabadhii Nuwaal Bintu Daariq Al-siciid ay uddo kooban wada joogeen, iyagoo kala teagay sanadkii 1979, intaa waxii ka dambeeyeyna aan isku deyin guur labaad. waana hogaamiyaha ugu xukunka dheer dunida carabta kaas oo xilka qabtay sanadkii 1970 illaa maantadan aynu joognana haya suldaanimada Saldanada Cumaan.

Valadamir Putin ayaa ka mid ah Madaxda aan xiligan Xaaska lahayn iyagoo xaaskiisii hore ay kala tageen sanadkii 2013, ilaa haatana uu ku jiro nolol soolane ah.

Gabadha xiligan Madaxweynaha ka ah Dalka Lithuenia ee Dalia Ghribauskaiti ayaa ah gabadh guur la’aan ku weynaatay oo aan marnaba isku deyin, waana gabadha haysta suunka madow ee ciyaarta Karrateega, shahaadada Diktooreesadana ku qaatay cilmiga dhaqaalaha, waxana lagu naanaysaa inay tahay mid ka mid ah Madaxweynayaasha ugu dimuqraadiyadda jecel caalamka oo dhan.

Gabadhii kale ee bishii March xilka madaxweynanimo laga xayuubiyey ee Kuuriyada Koonfureed Buck Jane is waa gabadha aan weligeed guursan waxayna aaminsan tahay inay is qabaan wadankeeda oo dalku oday u yahay.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

COMMENTS
LINKS