|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jabuuti Oo Tabaabusheeyey Shirweyne Ururada Qalinlayda Soomaalida & Cafartu kaga qeybgaleen Senegal.
May 23, 2017 - Written by Editor:“Qalinlayda Afrika, Aasiya iyo Laatiin-Ameerika waa inay maqashiiyaan caalamka suugaanta loo adeegsado nabadeynta iyo walaalaynta…” Dr. Aadan X. Aadan, safiirka Jabuuti ee Soomaaliya & Gudoomiyaha Ururka Qalinlayda Soomaalida. Dakar(W,N) – Dr. Aadan Xasan Aadan, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, ahna Gudoomiyaha Qalinlayda Soomaalida (Somali PEN), ayaa kaga qeybgalay Dalka Senegal shirweyne ay ka qaybgelayaan ururada ay ku midaysan yihiin Qorayaasha ka kala socda saddex qaaradood, lagaga hadlayo doorka qorayaasha ee nabad-dhisidda iyo ka hortagga falalka ku dhisan gacan ka hadalka. Gobolka Geeska Afrika waxaa metelaya laba urur oo mid ka mid ahi yahay ururka Qalinleyda Soomaalida ee Somali PEN oo fadhigiisu yahay dalka Djibouti. Dr. Aadan Xasan Aadan oo Guddoomiye ka ah ururkaas ayaa khadka telefoonka ugu waramay Ismaaciil Xuseen Farjar, weriyaha idaacada VOA qeybteeda Af Soomaaliga ayaa ku jawaabay, “Walaal waxaan ka qeybgelayaa shirweyne Ururka Qalinleyda Caalamka ee qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Laatiin-Ameerika, oo ka dhacaya magaalada Dakar, waxaanay ka wada hadlayaan sidii Qorayaashu kaalin uga qaadan lahaayeen nabada, iyadoo saddexda qaaradood gacan-ka-hadalka, iyo cunfiga kala duwanaanta diimahu ku salaysan ku sii badanayaan. Mar la weydiiyey Dr. Aadan, oo la weydiiyey bulshada Af Soomaaliga ku hadasha cidda u metelaysay shirweynaha ayaa ku jawaabay, “Geeska Afrika wax aka qeybgalay laba urur, Qalinlayda Af Soomaaliga ku hadasha, (Somali PEN) iyo Qalinlayda ku hadasha afka canfarta, labada urur ma metelaan dal, balse waxay metelaan bulshada ku hadasha afafkaa, wadanka ay doonaan ka ku noolaadeene. Labada ururba xarumahoodu waa dalka Jabuuti, isla markaana metelayaan Aniga (Dr. Aadan Xasan Aadan) iyo Caasha Maxamed Rooble waxaana runtii imaatinkayaga soo dhiirigeliyey, soona maalgeliyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele. Dr. Aadan, oo isla markaana ah Safiirka dawlada jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya oo la weydiiyey, adigu waxaad metelaysaa ururka Qalinlayda Soomaalida, maxaa idiin qorshe ah, oo aad la tagteen ayaa ku jawaabay, “Mar walba waxa noo qorshaysan horumarinta dhaqanka iyo suugaanta, hadday noqoto ta manta laga hadlayo ee suugaanta nabada, iyo kaalinta ay ku leeyahiin qalinlayda Soomaalida, la dagaalanka cunfiga, iyo sida ay marwalba ugu heelan yihiin nabada. S: Arrimaha dhaqanka, intaynaan ka bixin hore waxa u jiray machad afka Soomaaliga oo magaalada Muqdisho, ku dhagax-dhigeen Madaxweynaha Jabuuti & Madaxweynahii hore Soomaaliya, xguu ku dambeeyey? “Xarunta labada madaxweyne dhagax-dhigeen waxay ahayd akadeemiga afka Soomaaliga, sannadkii 2015 bishii labaad, hawsheediina way socotaa, dhowaan in dhismaheeda la bilaabo ayaan ku tallo jirnaa. S: kulankani muddo intee le’eg ayuu soconayaa, oo mowduucyada lagu falanqeynayo socon doonaa? “Kulanku manta (Doraad) ayuu Raysal-wasaaraha Senegal, oo metelaya Madaxweynahooda uu furay, muddo saddex maalmood ayuu socon doonaa, waxaana la soo xidhayaa 25-ka bishan, oo raysal-wasaarahu soo xidhi doono. S: Kulankan maxaad ka filaysaa inuu ka soo baxo, marka aragtiyaha iyo doodaha socda la soo gebagebeeyo? “waxaa la filayaa inuu ka soo baxo bayaan taariikhi ah oo loogu yeedhayo dawladaha diimaha ku dagaalama inay xaq-dhowraan xuquuqal-insaanka, inay dhowraan kala-duwanaanta, muhiimada dhowaaqaa ugu weyn Qalinlayda Afrika, Aasiya iyo Laatiin-Ameerika waa inay maqashiiyaan caalamka suugaanta loo adeegsado nabadeynta iyo walaalaynta. Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Xuska Sannad-Guurada 28-Aad Ee Kasoo Wareegta... Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Khudbad Xasaasiya Ka Jeediyay Shirkii Hertage Ee Magaalada Jabuuti, Shee... Masuuliyiin Badan Oo Ka Cabsi Qaba Isku Shaandhayn Cusub Oo Kuraastooda Galaafata Iyo Kooxo CV-yadoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|