Madaxwayne Silaanyo Oo Maxaabiistii Ugu Tirada Badnayd Ee Ku Jirtay Jeelka Burco Cafis U Fidiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Silaanyo Oo Maxaabiistii Ugu Tirada Badnayd Ee Ku Jirtay Jeelka Burco Cafis U Fidiyay
May 31, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)May.31,2017-Wararka ay Wajaalenews qasriga Madaxtooyada Somaliland ka helayso ayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Siilaanyo Cafis madaxwayne u fidiyey Maxaabiis tiro badan oo ku xidhnaa jeelka Wayn ee magaalada Burco.

Maxaabiistan uu Madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa waxa tiradooda naloogu sheegay 87 (Sideetan Iyo Todoba) maxbuus oo xukunaa oo ku jirey jeelka magaalada Burco kuwaas oo xukuno kala duwan ku xukunaa.

Cafiska madaxwaynaha ayaa xoguhu noo sheegeen inuu la taxaluqo kadib markii uu Xabsiga magaalada Burco gudahiisa ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka ayna u geeriyoodeen Afar Maxbuus halka ay maxaabiis ka badan 50 Maxbuus oo kalena ay u jiifaan xanuunka Shuban Biyoodka.

Maxabiistan uu madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis u fidiyo maxaabiis tiradaa leeg oo ku xidhnaa xabsiga magaalada Burco.

Xaalada magaalada Burco ayaa wakhti xaadirkan maraysa meel adag oo u baahan in loo gurmado,waxaana gobolka Togdheer fara baas ku haya xanuunka Shuban Biyoodka oo sababay dhimashada dad tiro badan,halka ay xanuunkan u jiifaan dad kor u dhaafayaa 2000 (Laba Kun) oo qof.

 

 

COMMENTS
LINKS