|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida 18-ka May Ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay Oo Ka Kooban 25 Xubnood iyo Meelaha Laga Soo Kala Xulay!!!
May 10, 2017 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-4751/052017, ku magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan: Ujeeddo: Magacaabid Guddida 18-ka May ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay
Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh. Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maadaama ay dhacday abaar ba’an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba; Markaan Arkay: In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba; Markii Aan Tixgeliyey: Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan; Markii Aan Qiimeeyey:iNuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen; Waxaan Go’aamiyey;
Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini’aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen. Guddida La magacaabay: Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Guddoomiye Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku-xigeen Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xubin Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Xubin Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xubin Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa Xubin Ku: Mudane, Maxamed Shugri Jaamac (Rugta Ganacsiga) Xubin Ku: Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahin (Rugta Ganacsiga) Xubin Ku: Mudane, Maxamuud Cabdi Jaamac (SOLJA) Xubin Ku: Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (Sonsaf) Xubin Ku: Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf) Xubin Ku: Mudane, Cumar Cismaan Miigane (Sonyo) Xubin Ku: Mudane, Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo) Xubin Ku: Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo) Xubin Ku: Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad) Xubin Ku: Mustafe Axmed Xassan (Nagaad) Xubin Ku: Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha) Xubin Ku: Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha) Xubin Ku: Mudane, Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID) Xubin Ku: Mudane, Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID) Xubin Ku: Mudane, Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI) Xubin Ku: Dr. Axmed Aadan Buuxane (Xisbiga WADDANI) Xubin Ku: Sheekh Maxamed Cali Geedi (Xisbiga WADDANI) Xubin
ALLAA MAHAD Xuseen Adan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|