Madax Dhaqameedka Beesha Subeer Awal Oo lafilayo in ay Iskugu Yimaadaan Shir ay kaga Dareen Celiyaan Baaq Uga yimid Dhigooda Beesha Ayuub Oo Dhibsaday Weedho Uu ku Ganay Murashaxa Xisbiga Kulmiye , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax Dhaqameedka Beesha Subeer Awal Oo lafilayo in ay Iskugu Yimaadaan Shir ay kaga Dareen Celiyaan Baaq Uga yimid Dhigooda Beesha Ayuub Oo Dhibsaday Weedho Uu ku Ganay Murashaxa Xisbiga Kulmiye ,
May 31, 2017 - Written by Editor:

Haragsya (W,N)  Madax Dhaqameedka Beesha Subeer Awal ayaa la sheegay in maalmaha soo socda iskugu imanayaan shir balaadhan oo sida wararkani xuseen ay dulucdiisu tahay sidii looga dareen celin lahaa baaq culus oo uga yimid madax dhaqameedka beesha ayuub sheekh isaxaaq (curadkii isaaq) kaasi oo mudooyinkii udanbaysay cod dheer ku dalbanayay in beesha subeer awal   ka xaal mariyaan weedho ay gafku ah beel ahaan oo ay sheegeen in uu kula kacay murashaxa xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi

DHAQANKA SACAD MUUSE

Shirkan  ay iskugu imanayaan madaxdhaqameedka beesha subeer awal ayaa  daaran sidii beesha ayuub looga bogsiin lahaa hadaladaa ay dhibsadeen sidoo kalena xaal gola jooga loo siin lahaa,

SUBEER AWAL

Wararka aanu ka helayno Abaabulka shirkan ayaa intaa ku daray In uu madaxdhaqameedkan hor kacayo suldaanka guud ee beesha subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi oo ah suldaana sida tooska ah loogu soo socod siiyay fariinta ka timiday beesha ayuub ahna  masuulka kaliya ee  laga war sugayo talaabada uu ka qaado tabashada beesha ayuub iyo weedhahaa uu ku aflagaadeeyay muuse biixi

suldaan sabaysoMuuse-Biixi

 

Sidoo kale waxaa isna qayb ah abaabulkan shirkan suldaan beesha sacad muuse suldaan Mawliid cali ibraahim (sabayso)

Shirkan ayaa la sheegay in suldanka guud ay ku weheliyaan salaadiyiin kale oo iyagu ka kala socota jufooyinka ay ka kooban tahay beesha subeer awal,

https://youtu.be/70C3zR6z22s

Weedhan murashaxa xisbiga kulmiye ku weeray beesh ayuub ayaa iyagu noqday kuwo  is taadhay xamaasad saamaysay dalka iyo dibadiisa taasi oo hadaan hore wax looga qaban sobobi karta in ay soo kiciso utuno hore oo isla beeshanka tirsanaynsay muuse biixi walow aan arintaa si toosa loogu eedaynin murashaxa kulmiye balse dadka qaar ayaa hadaladoodii ay ku xidhiidhisay  tuhun laga qabo soo foqida dhacdooyin hore oo gabi ahaanba bulshada ku keenaya naxli iyo kala fogaansho horleh,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS