|
|||||
WAJAALE NEWS
Loolanka Awoodda Ee kulmiye Iyo Waddani,
May 30, 2017 - Written by Editor:Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham :” Mahad waxa leh Rabbiga i barbaariyay.” Marka sida kuweenna oo kale axsaabta aan aragti iyo mabaa’dii midna lagu xulan, way kakan tahay in odoros male-awaal ah lagu sameeyo hannaanka kobocooda ama hoos-u-dhacooda. Isku-dheeli-tirnaanta axsaabta Qaranku waxa ay ummadda ka badbaadinaysaa “Allaa I badayda” Way wanaagsan tahay in ay shacabku kala doortaan, xisbiyo la kala dooran karo, waxa aan uga jeedaa awood ahaan isku dhow. Waxa aan qabaa in aan Xisbiga Kulmiye ee hoggaanka dalka hayaa aanu wali la kulmin xisbi mucaarid saameyn leh. Taana waxa ka dhashay in aanay cidna waxba iskaga tirin dawladdu. Xisbiga Ucid wuxu noqday hanti-qofeed oo dharaarba rabitaan gaar ah ayaa lagu jaan-gooyaa jahada uu u socdo. Waddani hoggaankiisa iyo Musharraxiisu wuxu la daala-dhacayaa is-waafajinta mucaaridnimo iyo muxaafidno oo wali dhanna iskugu ma lugo-duwan. Intaasi ba iyaga oo jira ayaa haddana waxa aad mooddaa in xilliyadii dambe Xisbiga Waddani dhaqdhaqaaqyo uu sameeyay ay kor-u-kac kooban keeneen. Dhinaca awoodda hoggaanka marka laga qiimeynayo hoos u dhaca waxa loo qaybiyaa laba kale ah:
umarka kooban uga dareemi karto. Marka sidan oo kale dhacdo “dunida siyaasadda” waxa la adeegsadaa xeer odhanaya. Si machadka kale aanu horumarka u haleelin waa in la suul-daaraa.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|