|
|||||
WAJAALE NEWS
Isfaham La’aan iyo khalad Hay’adda Shaqaaluhu Samaysay-baa keentay In Musuqmaasuq lagu Eedeeyo Guddoomiyaha Hay’addaasi.!!
May 26, 2017 - Written by Editor:Ilaa Shalay waxa Social Media-yaha dhex socday VIDEO uu soo duubay Mustafe oo ah Muwaadin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa 187 Qof oo u tartamay Shan Boos oo Hay’adda Shaqaaluhu naadisay 7 bilood ka hor. Mustafe wuxuu ku doodayaa inuu imtixaankaa ku guuleystay, laakiin Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu uu Qof kale ku beddelay, isagoo soo bandhigay Waraaqo uu Magaciisu ku jiro iyo War uu Magaciisu ku jiro oo uu akhriyayo Weriye ka mid ah Tv-ga Qaranku.. Laakiin, halka Sirtu ka qudhuntay ee Murankan keentay, siday ila tahay waxa weeye, Hay’adda Shaqaaluhu waxay baahisay Magacyada 25 Qof, oo Shan kastaa gaarkooda ugu tartameen Hal Boos oo ka mid ah :- 1-project management (5 Qof) 2- procurmen (5 Qof) 3- communication (5 Qof) 4- monitoring and evaluation (5 Qof) 5- Financial Management (5 Qof). Halkaa waxaynu ka fahmi karnaa, in 5 kasta laga qaadanayey Qofka ugu sareeya, maaddaama oo shanta Boos mid walba loo doonayey Hal Qof. Sidaa darteed, waxa muuqata in khaladku ka yimid dhanka Hay’adda Shaqaalaha, oo halkii ay ka ahayd inay baahiso Magacyada Shanta xubnood ee soo baxay, ay baahisay 25 Magac oo shan kastaa u tartameen Hal Boos (Shan kastana laga qaadanayo Qofka u sareeya, si loo helo Shantii loo baahnaa). Haddiise aynu u Xaglino Muwaadinka Cabanaya, waxaynu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waydiinaynaa haddii Mustafe aanu ku guuleysan Imtixaankaa, qofka hadda Maamula Xafiiska monitoring and evaluation-ku ma ku jiraa Shaqsiyaadka Magacyadooda la Shaaciyey, ee kala ah:- Cabdi Aadan Diiriye Cabdicasiis Cawil Ismaaciil Cabdisalaan Muuse Guuleed Rooble Maxamed Saxar-diid Mustafe Cabdiraxmaan Habbane (Muwaadinka Cabanaya). Haddiise, aanu ku jirin halkuu shaqada ka soo galay ?
halkan ka eeg Doodda Muwaadinkan!! https://youtu.be/NIcIpdpehlI QALINKII A,A, CARAB Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|