Fariinta Dhalinyarada Somaliland Iyo kala Doorashada Murashixiinta Sedexda Xisbi!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fariinta Dhalinyarada Somaliland Iyo kala Doorashada Murashixiinta Sedexda Xisbi!!
May 28, 2017 - Written by Editor:

Wuxuu Rabaa Mustaqbal wanaagsan, Wuxuu u baahanahay in uu Ku Hoos Nooladaado Qaran sharafku leh Shucuurta dunida.

Wuxuu u baahnay in uu dunida ku safro si sharafleh isagoo baasaboorka dalkiisa dunida kumaraya.Wuxuu u baahanay in lacagta dalkiisa uu dunida wax kaga soo iibsado, wuxuu u baahanay nolol farxad leh.

Wuxuu rabaa in cashuurta uu bixiyo uu ku helo waxbarasho bilaasha oo tayo leh, caafimaad bilaasha oo tayo leh, nadafada magaalada uu kunoolahy, biyo bilaasha oo nadiifa iyo amni isku halayn leh.

25 sano wuxuu ahaa bukaan la soo nool qoqobnaan iyo qabyaalad aan dheef lahayn, waxa cadow looga dhigi jiray kuwa dad ugu dhow.

Wuxuu si rafaadleh ku dhameeyay waxbarasho ilaa heer jaamacaded gaadhsiisan waxaana u dhiig miiri jirtay hooyadii, ilaa hadda se shaqo ma helin waxaana dabar ku ah nidaamka cadalaad daro ee dalka ka jira.

Habeen kasta waxa uu daawaadaa naxliga siyaasiyiinta ka soo fulaya iyo kuwa koofiyada xidhan, waxa uu ka quustay in uu siyaasi aamino. Waligii muu Arag siyaasi dantiisa ka hadla oo uu mustaqbalkiisa uu ka dhex arko, wuxu ku jiraa xaalad quusa.

Waxaa loo baahayahay in rajada wiilkaa ama gabadhaa la soo nooleeyo, Saddexda Xisbi ee maanta jira iyo Saddexdooda musharax madaxweyne ayaa ah kuwa mustabalka wiilkaa ama gabadhaa soo noolayn kara.

si kasta oo uu u quustay wali jacaylka wadankiisu kama suulin, damqasho badan ayayna ku haysaa dhibaato kasta oo dalkiisa loo gaystaa.

Wiilkaasi waxa uu la diyaar yahay kaadhkiisii uu xaqa u lahaa wuxuu rabaa in aanu qabyaalad cidna ugu codayn , caqligiisana lama dagan karo waxa uu rabaa in uu mustaqbalka naftiisa iyo ta caruurtooda uu ka fikiro iyo bulsha weynta uu la noolyahay.

Haddii uu talo ku waydiin lahaa oo uu ku odhan lahaa Musharaxee ayaan Codkayga ugu ridaa si uu mustaqbal fiican iigu horseedo dalkana u badbaadiyo yaad kula talin lahayd in uu u codeeyo?

COMMENTS
LINKS